Xaalad nololeed oo adag oo ka taagan deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya

Xaalad nololeed oo adag oo ka taagan deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Xaaladda nolosha shacabka ku nool deegaanada hoos taga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa laga deyrinayaa xilli maamulkaasi uu ku dhawaaqay hawlgalo ka dhan ah kooxda Alshabaab oo maamusha deegaano badan oo ka tirsan gobolada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Saameynta abaarta oo keentay biyo la’aan, Baydhabo

Hawlgalada maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay ee lagaga soo horjeedo kooxda Alshabaab, ayaa sii kordhinaya ama keenaya barakac iyo isusocodka dadka iyo gaadiidka oo sii adkaada. Taasi oo caqabad hor leh ku noqotay sidii loo gaadhsiin lahaa taakuleyn iyo gurmadka hay’addaha caalamiga ah Soomaaliya ugu deeqeen dadka ay saameysay abaaraha ba’an ee deeganadaasi ka taagan.

Kooxda Al Sahbaab ayaa horey muddo ku dhow sanad go’doon gelisay deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed. Magaalooyinka qaar sida Xudur, Waajid iyo Diinsoor ayaa gebi ahaanba go’doon ku jira, waxaana badeecadaha iyo gargaarka lagu geeyaa dayaarado. Arinkaasi oo ah caqabad hor leh oo mararka gargaarka iyo kirada dayaaraduhu aysan isu dhigmin, taasi oo cabasho badani ka timid .

Maamulka Koonfur Galbeed  ayaa ay soo foodsaartay barakac, abaarta iyo dagaalada Al Shabaab keeneen, taasi oo ah culey aanu maamulku maareyn karin, sababo la xariira gargaarka oo aad u yar iyo xayiraadda kooxda argagixisada Alshabaab ku hayso deegaano badan oo maamulkaasi ka tirsan.

Hal milyan in ka badan oo rayid ah oo ku nool gobolada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool ayaa halis ugu jira in ay wajahaan xaalado macluul ah, waxaana soo badanaya baaqyada ka imanaya dadka deegaanka iyo hay’addaha Qaramada Midoobey oo dhawr jeer digniino culus kasoo saarey, wax ka qabasho la’aanta dhibaatada jirta.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho