W/Q Cabdirisaaq Xaaji
Nayroobo. Kenya- Soomaali gaareysa 8 qof ayaa dacwad ka gudbiyey Xaaji Muuse Suudi ku aadan xasuuq uu u geystay waalidkood, iyadoo labo ka mid ah ay yihiin dad naafo ah oo iyagu sheegay in uu Xaajigu naafeeyey.

Dacwaddan ayaa loo gudbiyey haya’adaha amniga ee dalka Kenya, iyadoo garyaqaanka u doodaya dadkan Soomaalida ah uu xaqiijiyey in caddeymaha ay soo bandhigeen uu yahay kuwo lagu guuleysan karo, isla markaasna Xaajiga looga yeeri doono maxkamadda si uu isaga difaaco.
Xaaji Yalaxow ayaa ku dhuumaaleysanaya dalka Kenya, isagoo aan soo bixin inta badan oo uu cabsi ka qabo in dad badan oo deggan dalkaas ay dariiqyada ku qabsadaan.
Tan ayaa noqoneysa arrin ku cusub Soomaaliya iyadoo uu warkan imanayo xilli uu Xaajiga oo muddo 4 sano ee Xasan Sheekh uu aamusnaa bacdamaa uusan heysan xasaanad, laakiin markii uu Xildhibaan Aqalka Sare (Senator) noqday bilaabay aflagaado, handaddaad uu ku sameeyey Senatoro kale oo uu ugu hanjabay in Muqdisho ay ka rabto joogis.