Muqdisho (WDN)- Waxaa Gobolka Hiiraan ee maamul goboleedka Hirshabeelle ka bilowday wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaanno horleh.
Deegaannada laga saaray Al-shabaab ayaa sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu, waxaa ka mid ah Galcad, Beerxaano, Tarajanta, Burdar, Nuur-fanax, iyo kuwa kale.
Howlgallada qaar oo ka billowday Koonfurta Baledweyne waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan howlgalada haatan ay ka bilaabeen deegaanada Koonfurta Baledweyne ee ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle, inuu xigi doono howlgalka deegaanada ku yaala Galbeedka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay, wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay ku suganyihiin Al-shabaab.
Nin lagu magacaabo Dhalo oo ka mida ciidamada macawislayda ayaa isagoo la hadlaya Telefishinka QarankaSoomaaliyeed yiri “Khawaarijtu wax ay noo reebatay majirto, dagaalkoodana waan u taaganahay markasta”..
Dowladda Federaalkaa, ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah, laguna dhaawacay 3700 lakale, isla markaana ka saartay degmooyin iyo deegaanno badankood ay ka tirsan yihiin maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.
Dowladda Mareykanka ayaa ammaantay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre qoraal toddobaadkii hore uu usoo diray VOA ku yiri sidan: “Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab. Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply