Nin ku lebbisnaa Tuutaha milatariga Soomaaliya ayaa isku qarxiyay guri ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan ciiddamada Xoogga Dalka oo ku yaalla Warshadda Nac-naca ee degmada Wadajir.
inta la xaqiijiyay 10 Askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo ciiddan ayaa ku dhintay weerrarka Isqarxinta ah, iyadoo islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale
WDN ayaa heshay Magacyada Saraakiisha ku dhimtay qaraxa Ismiidaaminta ah, waxaana ka mida, G/dhexe Abuukar Dheere iyo Labo-Xiddigle Macalin C/kariin, Kabtan Bilaawe Cadde iyo Kabtan Badri Sheekh Aadan madaxii Tababarada ciiddanka deggan Xerada Warshadda Nac-naca.
Dhaawacyada Askaritii iyo Saraakiishii weerrarkan ay waxyeelladu ka soo gaartay ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 24 Askari iyo saraakiil Ciiddan.
Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xukunka la wareegay ayaa waxaa batay qaraxyada ay kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.
Qaraxa maanta ayaa imaanaya xilli saakay walxaha qaraxa loogu xiray gaarigiisa oo uu ku dhintay sargaal ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, iyadoo maalintii Shalayna sidoo kale uu ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga qarax shacab badan ay ku hoobteen laguna weeraray taliyaha ciiddanka XDS Jen. Cirfiid.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply