Weerar sababay dhimasho oo lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdishu (WDN) – Weerar ay sheegatay in ay ka danbeysay kooxda Al Shabaab, ayaa lagu qaaday maanta xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdishu, wakhti ay goobtaashi ku sugnaayeen xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

qarax_golaha_baarlamaankaQasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la sheegay in uu gaaraayo ilaa iyo 15 dimasho, halka ay ku dhaawacmeen 24 kale oo ay ka mid yihiin 3 Mudane oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada dhaawacu ka soo gaadhay weerarkaasi waxaa ka mid ah Cumar Finish iyo Cabdale Boos.

Kooxda weerarka fulisay ayaa la sheegay in ay ahaayeen In ka badan 10 ruux,  kuwaasi oo la sheegay in ay si aad ah u hubeysnaayeen, iyaga oo watay ilaa iyo 3 gaadiid ah.

Kooxdaashi markii ay weerarka soo qaadeen, ka gadaal waxaa madasha Baarlamaanka ka dhacay  dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay ilaaladii Mudanayaasha Baarlamaanka iyo kooxdii weerarka ku qaaday xarunta ,waxaana xigay tiro qaraxyo ah oo loo maleynayo in ay fulinayeen kooxda weerarka geysatay.

qarax_golaha_baarlamaanka1Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si  hal haleel ah looga saaray dhabarka dambe ee xarunta,  afaafka xiga dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna taasi ka danbeysay markii lagu war giliyay in ay si ded deg ah uga baxaan madasha shirka oo laga cabsi qabay in ay soo galaan kooxdaasi weerarka ka dambeysay.

Dagaalka ayaa qaatay waqti dheer, hase yeeshee markii danbe la soo af meeray.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen weerarka maanta lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay halkaasi qasaara ugu geesteen qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay afhayeenka Guud ee Shabaab Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere).

Al Shabaab ayaa iyadu sii xoojisay dhawaanadan weerarada ay ka wado gudaha magaalada Muqdishu.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews
Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.