Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Weerar ka dhacay Hoteel ku yaala Kismaayo oo keenay dhimasho

Kismayo (WDN)- Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Hotel Madina (Ex Cascasey) ee magaalada Kismaayo lagu weeraray. Wax yar ka hor salaaddii maqrib xilliga Kisamaayo. Qaraxa ka dib waxa gudaha u galay kooxo hubaysan sida ay aalaaba yeelaan qolyaha argagixisada ee weerarada noocan ah soo maleega. Illaa hadda gudaha huteelka waxa ka socda hawlgal ay fulinayaan ciidamada Jubbaland. Kaas oo ay kaga sifaynayaan kooxaha aragagixasada ee huteelka gudaha u galay. Warar hordhac ayaa sheegaya in laga ciidamadu gacanta ku dhigeen hal qof, welina hawlgalkii socdo.

Illaa hadda Khasaaraha dhabta ah waa 6 qof oo dhimasho ah oo ay ku jiraan Hodan Naaleeye iyo Gacma dheere. Wararku waxay sheegayaan in dad badan oo huteelka ku sugnaa oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Federaalka ayaa la sheegayaa in ay ka badbaadeen badankoodu. Waxa wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in ay xildhibaanadaas halkaas deggenaa ay ka mid ahaayeen, Senator Axmed Xaashi, Xildhibaan Geelle Jaamac Mursal, Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaan Cabdi Xukun. Kuwaas oo sida la sheegay dhammaan ka badbaaday.

Warar aan rasmi ahayn oo hordhac ah ayaa sheegaya in dad ku dhaawacmay falkaas argagixiso oo aan tiradooda la cayimin la geeyay cusbitaalada magaalada Kismaayo. Waxa la filayaa in ciidamada amnigu si rasmi ah warbxin u soo saari doonaan dhawaan ama marka la soo afjaro hawlgalka.

Magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda oo aanay u suura gelin kooxaha aragagixsadu in ay ka fuliyaan qaraxyo noocan oo kale ah muddo ka badan 4 sannadood ayaa qaraxaxin argagax ku dhaliyay.

Huteel Madina oo hore loo odhan jiray Huteel Cascasey waxa dib loo furay ciiddii Fitrigii ka dib markii dib u habayn casri ah lagu sameeyay. Waxa uu Huteel Madina ka mid ahaa huteelada aadka loo tago, uguna cammiran beryahan dambe magaalada Kismaayo. Wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan foosha xun dib ayaannu idiin ka soo gudbin doonnaa.

Wali hawlgalkii lagula dagaalamayay argagixisada weerarka soo qaaday wali wuu socdaa.

Wixii warar ah ee soo kordha In sha Allah, waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararka dambe.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.