Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdishu (WDN) – Weerar isnidaamin ah ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka oo ku dhow Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku shiro. Weerarka ayaa  ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna saarnaa naftii haliga Al Shabaab ah, ayaa waxay warar horudhac ihi sheegayaan in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamada dowladda.

bishaar-abshir-geeddi_booliska
Bishaar Abshir Geeddi, taliyaha Booliska gobolka Banaadir

In kastoo wararka qaar ay sheegayan in gaarigaasi ay joojiyeen ciidamada amnniga ee ka hawlgala Isgoyska Sayidka, isla-markaana uu qarxay, xilli ay baaritaano ku sameynayeen.

Dad goobjoogayaal  ah ayaa sheegay in qaraxa ka dib goobtaasi laga maqlay rasaas xooggan oo ay dhawr jiho u furayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi oo shir Jaraa’id caawa qabtay, ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dhaawaca saddex askari oo kale  in uu qaraxaasi geystay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka ag-dhow Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto. Ciidan fara-badan ayaa la soo warinaya in ay soo gaareen halkii uu qaraxu ka dhacay, waxayna xireen wadooyinka soo gala goobtaasi.

Dhanka kale xarakada  Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, ayaa waxay qoraal ku sheegeen in naftii hurre ka tirsan dagaal-yahanadooda uu beegsaday gaadiid ay la socdeen Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay  in weerarkaasi lala eegtay ciidan ku dhow 100 askari, oo watay toddobo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.