Weerar ismiidaamin ah oo Hotel Tawakal Kismaayo lagu qaaday iyo rag hubeysan oo gudaha u galay

Weerar ismiidaamin ah oo Hotel Tawakal Kismaayo lagu qaaday iyo rag hubeysan oo gudaha u galay

Muqdisho WDN)- Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray Hotelka Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaraxa kadib ayaa rag aad u hubeysan waxa ay gudaha u galeen hoteelka oo ah goob inta badan ay adeegsadaan mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta maamulka Jubbaland, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha qaraxa iyo weerarka hubeysan ka dhashay inkastoo wararka qaar sheegayaan in 3 qof ku geeriyootay halka 3 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Rasaas xoogan ayaa gudaha hotelka ka dhacaysa, waxaana goobta soo gaarey ciidamada ammaanka Jubbland oo isku dayaya in gudaha u galaan Hotelka oo ay soo badbaadiyaan dadka gudaha ku jira waxaana gebi ahaanba xiran waddooyinka hotel Tawakal gala.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa aalaaba geysta weerarrada noocaan oo kale, waxaana kooxda muddooyinkaan danbe ay xoogga saareysaa qaraxyada maadaama weerarrada fool ka fool ah jug xooggan ay kasoo gaartey deegaano badanna gacantooda ay ka baxeen kadib markii hawlgal wada jir ah ay ku qaadeen maleeshiyaad deegaanka oo is abaabuley iyo ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheeNews, Muqdisho