Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Wasiiraddda gaashaandhiga dalalka safka hore oo Muqdisho ku kulmay iyo xayiraad dowladda kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa magaalada

Muqdisho (WDN)- Waxaa Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Wasiirada Gaashaandhiga wadamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, islamarkaana qeybta ka ah ama ay ka joogaan Soomaaliya ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shirkaasi gudoomiyey, oo ay kasoo qeybgaleen Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Shirkaasi oo hor dhac u ah shir madaxeedka madaxweynayaasha dalalkan ku yeelan doonaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xilli dawladda federaalka ay xayiraad kusoo rogtay magaalada oo dhamaan dhaqdhaqaaqyada lagu mamnuucay.

Wasiiradaan ayaa diyaarinaya ajendaha shir madaxeedka maalinta beri ah ay isugu imaanayaan madaxda dalalka la isku yiraahdo Safka Hore ee Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Waxaana shirkan uu la xariiraa sidii loo mideyn lahaa istaraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo dawladda Soomaaliya dagaal xooggan kula jirto, guulo waa waynna laga gaarey.

Madaxda ayaa sidoo kale ka wada hadli doona sidii si wada jir ah loogaga hortagi lahaa khatarta kooxdaan oo laga yaabo in weeraro argagixiso ka fuliso dalalka dariska la ah Soomaaliya, maadaama kooxdu jab xoogan kala kulantay hawlgalka ka dhanka ee dawladda federaalka hogaaminayso, iyada oo deegaano badan oo muhiim ah looga saarey oo muddo ka badan 10 sano ka talinaysay.

Kulanka wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya,Kenya,Jabuuti iyo Itoobiya dhinac socdey shir kale oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada dalalkan, kaasi oo diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amaanka iyo la daggaalanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Waxaana shirkan gudoominayey taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya Jen. Odawa Yuusuf Raagge.

Dalalkaan la isku yiraahdo safka hore oo daris la ah Soomaaliya, ayaa waxaa dalka ka jooga ciidamo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee ATMIS, waxaana dawladda federaalka shirkaan ka doonaysaa in uu kasoo boxo go’aanno muhiim ah oo dalalkani ay qayb uga noqon karaan hawlgalka Alshabaab ka dhanka ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka qaabka qabiil isu xilqaamay ee garabka u ah ciidamada dawladda.

Shirka madaxda Soomaaliya iyo dalalka Safka hore ee shirarka hor udhaca u ah maanta Muqdisho ay ku yeelanayaan wasiiradda difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dawladda federaalka Soomaaliya qaadi doonto wejiga 2-aad ee hawlgalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Kaasi oo ka bilaaban doona deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ah deegaanada awoodda ugu badan Alshabaab ku leedahay, kana  maamusho hawlaheeda argagixiska ah, iyada oo madaxdeeda ugu sareysana ay ku dhuumaalaysanayaan deegaanadaas Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale xukuumadda federaalka Soomaaliya qoraal ay soo saartey ayaa waxa ay ku cadeysay in magaalada Muqdisho lagu soo rogey xayiraad buuxda, taasi oo lagu mamnuucayo dhamaan isu socodka gudaha magaalada sababo la xariira shir madaxeedka madaxda dalalka Safka hore iyo Soomaaliya beri uga furmaya magaalada caasimadda ah. Waxaana qoraalka xukuumadda bulshada looga codsadey in ay dulqaad u yeeshaan, isla markaana u hogaansamaan tallooyinka iyo awaamiirta laamaha amaanka dalka.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.