Muqdisho (WDN)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Mareykanka marwo Victoria Nulland oo soo gaartey Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatey ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ee gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadanimada Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Md. Lary Andre, madaxa hay’adda gargaarka mareykanka USAID, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha WFP,FAO iyo UNICEF.

Kulanka ayaa ayaa lagu lafa guray xaaladda abaaraha iyo badqabka cunto, xilli xaalad bini aadanimo aad u adag Soomaaliya ay ka taagantahay oo malaayiin Soomaali ah qarka u saaranyihiin macluul.
Marwo Victoria Nulland ayaa u balan qaadey dawladda Soomaaliya in ay ka gacan siinayaan sidii marxaladaan adag u gudbi lahayd gurmad degdeg ahna loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu dhufteen.
Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadanimada Soomaaliya ayaa uga war bixin kaga warmay xaalada abaarah ee ka taagan dalka, isaga oo u mahadnaqay wafdiga wasiiraddu horkacaysay booqashada Soomaaliya ay kusoo gaareen iyo doorka ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha.
Dawladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafey wadey dadaalo xooggan oo ku aadan wax ka qabashada xaaladda bini aadminimo ee dalka ka jirta ayadoo kulamo kala duwan la qaadatey madaxda maamulada dalka,ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini aadminimada.
Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad bini aadanimo aad u adag taasi oo muddo sanado ah ayadoo kale aanay dalka soo marin waxaana ay halis galisey nolosha malaayiin Soomaali ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen.
Maxmaed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply