W/Q. Aadam Cabdiraxmaan
Waxaa dugsi iyo ii dhigta 5 carruur ah , 3 kalana Jaamacadaha ayay ku jiraan. Waxaan leeyahay makhaayad, biilasha qoysaska iyo caruurta wax barashadooda way ku filantahay oo cidna gacanta uma hoorsado. Waxbarashada cunug kasta waxaa iiga baxda bishii 70 doolar celcelis ahaan. Waxaa hadda si xoog ah hoos ugu dhacay dakhligii aan ka heli jiray meheradda, waxaa yaraaday dadkii iyo dalabkii, waxaana xadidmay socodkii bulshada xanuunkan xalka loo la’yahay dartiis (Coronavirus)
Gabadhayda Curad oo sanadkii ugu dambeeyay marinaysa Jaamacadda ayaa waxay jaamacaddeeda ka heshay farriin oranaysa, ‘’ Fadlan ardaydu waa inay bixiyaan lacagtii bilaha Maaris , Abriil, Meey iyo kharashaadka kale ‘’. Waxay igu noqotay farriintaasi qumbulad ku qaraxday qalbigayga.
Meheradda aan ku shaqaysto waxaa iska leh carruur agoon ah , waxaanan ka dagganaa dhawr sano intuusan aabohood geeriyoon. Dhawr casho ka hor waxaa ii yimid hooyada caruurtaas agoontaa dhashay, waxayn i tiri maandhow waa kaa suuqii xumaadaye kirada kala bar bixi bishaan iyo 2 da xigta.
Maya iyo waad yeeli markay naga noqotay ayaan ugu damabyn ku heshiinay barka kale wuxuu igu ahaan dayn oo markaan helo ayaan iska bixin bacdamaa ay xoolo agoomeed tahay . Qoyskaas dakhli kale ma soo galo ogaantay, wiilka ugu wayn ayaa haatan Jaamacad ku jira 5 kalana waxa dhigtaan dugsi sare iyo wixii ka hooseeya. Shacabku wuxuu ku jiraa xaalad jahwareer dhaqaale. Ganacsatada ‘’Waxbarashadu’’ ma doonayaan inuu shilin ka baaqdo, kuwa badeecaddaha keenana kor inay u qaadaan maahane arxan loogama baran. Shirkadda Korontada waxaan ka codsaday inay biilka bishaan wax iga dhaafaan bacdamaa wasiir Bayle canshuurtii badankeed ka dhaafay ama dib iigu dhigaan waase iga diideen.
Waxaa jira qoysas aad u badan oo ay ku adag tahay bixinta biilasha Jaamacadaha iyo dugsiyada ‘’Wax barashada’’
Jaamacadaha dalka ka jira aqoonta ay bixinayaan miyay garan siin wayday dadkii aad lacagaha ka qaadi jirteen duruufo dhaqaale oo adag ayay marayaan ee ugu yaraan bilaha aan waxba la dhigin lacagta u daaya?
Fadllan farriintayda Wasiir Goodax gaarsii , Bil aan waxba loo dhigin ubadkeenna yaan beeso nalaga qaadin .
W/Q. Aadam Cabdiraxmaan
Email: Aadan17@yahoo.com
Twitter @Ow_Abdi
Leave a Reply