Wasiir Gamaal M. Xasan oo si fudud ugu guuleystay kursi Xildhibaan

Muqdishu (WDN)- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Md.Gamaal Maxamed Xasan, ayaa  doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe, si fudud ugu guuleystay Kursi Xildhibaan oo beesha Warsangeli ka banaanaaday Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursiga ayaa waxaa dhowaan iska casiley Dhahar Cali Faarax oo loo magacaabay Qunsulka Safaarada Soomaaliye ee Jabuuti.

Md. Gamaal Maxamed Xasan ayaa dorashada kula tartamay Md. Maxamuud Cabdullaahi, iyada oo la sheegay in uu Gamaal helay codad gaaraya 49-cod,  halka Maxamuud Cabdullaahi uusan helin wax cod, iyada oo laba cod ay xumaadeen. Natiijada doorashada ayaa waxaa sheegtay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil (Yarey).

Madashada ay doorashada ka dhacday ayaa la sheegay in ay goob joog ka ahaayeen M/Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Md. Cabdixakiin Cumar (Camey), madaxda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Ergooyinka wax dooranayey iyo marti sharaf kale.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada Wasiir Gamaal ee ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya, ay xoojinayso qorshaha Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Agaasime Xigeenka Sirdoonka Soomaaliya Md. Fahad Yaasiin, ee ku wajahan in  xubnaha Golaha Wasiiradda  DFS dhamaan loo roggo ama laga dhigo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, si aysan u dhicin in wax mucaarad ah (mooshin) laga keenin DFS. Taasi oo hadda u eeg mid ay ku guuleysteen oo gabagebo maraysa.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, ayaa u sheegay WardheerNews, in ay haboon tahay in is la xisaabtan iyo dabagal lagu sameeyo sida ay wax u maamulaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan Gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaaciil (Yarey), iyaga oo sheegay in tabashooyin iyo musuqmaasuq badani ka jiro maamulka iyo maareeynta  doorashooiynka Golaha Shacabka.

Warar kale ayaa sheegaya in Puntland ay ka joojisay Wasiir Gamaal shir uu kula hadli lahaa ardayda wax ka barata Jaamacadda PSU ee magalada Garoowe, iyada oo la sheegay in ay qeyb ka tahay hakat-kii ay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadu ku joojiyeen xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii DFS.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.