Wasaaradda waxbarashada oo qabatey kulan lagu soo bandhigayo natiijada cilmibaaris lagu sameeyey manhajka waxbarashada degdeg ah (WAD)

Muqdisho, Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee J. F. Soomaaliya, ayaa maanta daahfurtey kulan 3 cisho soconaya oo lagu soo bandhigayo natiijada cilmibaaris lagu sameeyey manhajka waxbarashada asaasiga ah ee degdega ah heerkiisa 1aad iyo 2aad oo wasaaraddu dalka ka hirgelisey.

Ku simmaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare mudane Ismacil Nuur Yuusuf ayaa kulanka furey, waxaana qeyb ka ah kulanka mas’uuliyiinta waxbarashada maamul goboleedyada, gobolka Banaadir, macallimiin iyo marti sharaf ka socotey hay’adda USAID.

Kasooqaybgalyaasha ayaa ka doodi doona natiijada cilmibaarista lagu sameeyey manhajka waxbarashada asaasiga ah ee degdeg ah si loo ansixiyo loona meelmariyo.

8-dii bishii Febraayo ee sanadkaan ayey ahayd markii wasaaraddu u furtey hawlwadeeno ka kala socdey wasaaradda waxbarashada, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar la xiriira xog ururinta manhajka cusub ee waxbarashada asaasiga ah ee degdegga ah (WAF),kuwaasi oo maanta soo bandhigaya natiijada xog ururintii ay kusoo sameeyeen manhajkaan cusub.

Maxamed Cumar Adan

WardheerNews, Muqdisho