Muqdisho (WDN)- Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa maanta xarunta wasaaraddaasi waxa ay kulan kula qaateen xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo diiraradda lagu saarey sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha ay helaan Ururada argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.
Shirka waxaa ka soo qayb galay madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha maaliyadda sida Bangiyada iyo xawaaladaha dalka ka jira iyo wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka NISA.
“Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nuur oo ahaa shir-guddoonka kulanka, ayaa sheegay in ay si adag uga wada-hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalohooda looga difaaci lahaa argagixida” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda DF Soomaaliya.
Kulankan dhexmarey ganacsatada Soomaaliyeee iyo masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa ganacsatada loogu cadeeyey go’aanada adag ee dawladda Soomaaliya ka gaartey cidwalba oo dhaqaale ku taageerta kooxaha argagixisada. Waxaana ganacsatada markale looga digey in ay dhaqaale siiyaan kooxahaan haddii kale ay ka qaadi doonto tallaab la mid ah tallaabooyinka kooxaha argagixisada laga qaado.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply