Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Kallumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/04/Wasaaradda-Kalluumeysiga.jpg)
Xeerkan oo ka kooban 6 cutub iyo 27 qodob, waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha lasocdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faahfaahinaya qiimaha, curaarta iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqdaha kale ee Kalluumeysi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.
Xeerkan waxaa u saxiixay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed Xasan Aadan.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply