Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo digniin culus u dirtey ganacsatada Soomaaliyeed

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo digniin culus u dirtey ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho-(WDN)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal digniin ah oo ku socota ganacsatada Soomaaliyeed , waxa ayna uga digtay inay taageero lacag ah siiyaan kooxda argagixisada ah ee  Al-shabaab, sida uu warfidiyeennada u sheegay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Jibril Cabdirashiid Xaaji.

Wasiir Jabriil  oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamey in laga billaabo maanta ganacsidihii Al-shabaab taageero ama siiya lacag, ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa sidoo kalane loo arki doono nabaddiid oo lala dagaalami doono.

Wasiirka oo faahfaahinaya warbixinnada ay ganacsatada ka hayaan ayaa yiri “3 illaa 4 shirkadood ayaa jira oo macluumaadka ganacsiga dekadda kasoo daga siiya Al-shabaab. Wasaaradda Dakaduhu wa inay Shatiga kala laabataa, sidoo Kale Nootaayooyinka Muqdisho waxay toos ula shaqeeyaan Al-shabaab” .

Wasiir ganacsiga ayaa sidoo kale xusey in ay jiraan maraakiib la shaqeysa oo u sheega badeecadaha ay wadaan iyo cadadkooda ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna ka dalbaday  Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda in ay arrintaasi wax ka qabato.

Waa digniintii 3-aad ee kasoo baxda dawladda federaalka Soomaaliya oo ku socota ganacsatada Soomaaliyeed, horey waxaa digniino sidaan oo kale ah usoo saarey taliska hay’adda nabad sugidda qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana jirtey ganacsato ay qabteen kuwaasi oo ku socdey maleeshiyaadka Alshabaab oo xabsiga la dhigey.

Lacagaha ay gancsatadu siiso Alshabaab ayaa lagu tilmaamaa kuwo ay ku badbaadinayaan naftooda iyo ganacsigooda maadaama aaanay dawladdu awood u lahayn, islamarkaana dammaanad qaadi karin ilaalinta muwaadiniinta iyo hantidooda.

Qoraalka wasaaradda oo nuqul ka mid ah soo gaaray WardheerNews ayaa u dhignaa sida soo socota:

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.