Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warshado barafka lagu sameeyo oo xasiliyay nolosha barakacayaasha Kismaayo

Haween la macaamilaya mid ka mid ah warshadaha barafka Kismayo

Boqol iyo konton qoys oo ku nool xerada barakaca ee Marino ee magaalada Kismaayo ayaa nolashoodu isbadashay kadib marki halkaa laga hirgaliyey labo warashado yaryar oo sameeyo barafka. Qoysaskan ayaa barafka ku hela lacag raqiis ah taasi oo ka caawisay inay ku qaboojiyaan cabitaannada iyo biyaha oo ay ka ganacsadaan.

Waxaa dadkaas ka mid ah qoyska Arbaay Maxamuud  oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 14 qof oo 12 carruur yihiin. Arbaay araa Radio Ergo u sheegtay in nolasha qoyskeeda ay ku maareyso 10KG oo baraf ah oo maalin kasta ay ka qaadato warshadaha barafka dhaliya, kaas oo laga siiyo lacag dhan 5000 o shilin Soomaali ah, oo ay ku qaboojiso biyo cad ka dibna ku xidh xidhaa baco yaryar oo ay halkii bac ku iibiso 1000 shilin Soomaali ah.

Biyaha ay bacaha ku xidh xidho ayay ku dhex wareejisaa iskuuladda magaalada Kismaayo, goobaha dhismaha uu ka socdo iyo meelaha kale ee dadka fadhiistaan si looga iibsado.

“Barafkaan wax fiican ayaan ka hellaa. Laba doolar ama hal doolar ayaan dhar ku soo dhaqijiray, waxna iima tarijirin, habeenkii ilmaha gaajo ayey ku seexanaayeen, laakiin hadda maasha Allaah weeye,” ayey tiri Arbaay.

Lacagta ay ka hesho biyaha ay iibiso waa 100,000 oo shilin Soomaali ah, waxaa ayey sheegtay in 70,000 ay reerka ugu iibso adeegooda, halka 10,000 ay maalin kasta ku gasho ayuuto ay dumar kale kula jirto, si ay ugu dabarto baahiyaha ka baxsan biilka maalin-laha ah. Aabaha carruurta ayay sheegtay in uu yahay oday da’ ah oo aan shaqayn karin.

Qoyska Arbaay oo hadda ku nool xerada baracayaasha Al-khayr ayaa ka mid ahaa dadkii beeralayada ahaa ee ay soo barakiciyeen abaarihii 2017, xiligaas oo ay ka imaadeen degmada Jilib oo kismaayo 120km kaga beegan dhinaca waqooyiga.

Labadan warshadood ee barafka laga dhaliyo ee ay barafka ka qaatan dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa hirgaliyey Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jubbaaland iyo hay’adda FAO si fursado ganacsi oo yar yar loogu abuuro dadka barakacayaasha ah.

Dadka shaqo abuurka ka helay warshadahaan ayaa waxaa ay horay uga shaqayn jireen shaqooyin kale, sida dhismaha guryaha, dhagax jabinta iyo dhar dhaqaalka, waxaana shaqadaan barafka u nqotay shaqo uga dhib yar shaqooyinkii ay horay u qaban jireen ugana manfac badan.

Gudoomiyaha xeryaha barakaca ee Mariino Ubax Xassan cadde ayaa sheegtay in dad badan oo xeryaha ku nool ay warshadahan yaryar ee solarka ku shaqeeya ka soo doontaan barafka, dibna uga macaashaan.

“Maalintii ilaa 200kg laba jeer way soo saari kartaa haanta mugeed, xiligii kulay jiro meeshaan way buuxaysaa, marar aysan firaaqo yeelanaynin”.

Cabdiwali Maxamed waxuu ka mid yahay dadka fursadaha shaqo ka helay warshadahan soo saara barafka. Cabdiwali ayaa $100 bishii lagu siiyaa in uu waardiyeeyo warshadda, taas oo uu ku maareeyo nolasha qoyskiisa oo ka kooban lix qof oo afar ay caruur yihiin.

“Iidanka ayay iiga filantahay aniga…Awal dhagax ayan ka shaqayn jiray, dhagaxle ayaan ahaa, dhagaxii waa iska istaagay shaqadii waa iska yaraatay”.

Faadumo Siciid Axmed waxay ka ganacsada barafka oo ay sii iibiso isagoo sidiisa ah, waxaana halka 1kg oo barafka ay siisaa 3000 oo shilin Soomaali ah. Maalintii waxaa ay soo qadataa laba jeer, midkiiba yahay 15kg. Waxaa ay sheegtay in ay ka hesho lacag dhan 80,000 ilaa 90,000, lacagtas oo ay ku marayso qoyskeeda oo ka kooban sideed qof oo lix caruur yihiin.

Faadumo ayaa sheegtay intii ay bilowday shaqada barafka ay nafsad ahaan u xasishay halka markii hore ay maalin walba ka warwari jirtay carruurta maxaad manta u karisaa. Waxaa ay sheegtay in markii hore ay kaluunka ka ganacsanjirtay, taasoo ay deyn badan badan ku gashay, markii dambena iska deysay.

“Haddii aan hal doolar helo, cunto maad ku gadaa, khudaar maad ku gadaa ayaan ku welwali jiray, hada khudaartayda,cuntadayda juusto weeye, sidaan barafkaan ugalay quraac, qado waan helnaa”.

Waxay sheegtay in xitaa ay iska bixisay lacagihii lagu lahaa oo gaadhaayey 670,000 oo shilin Soomaali ah.

Faadumo oo caruurteeda ay agoon yihiin ayaa sheegtay in ay ka mid ahaayeen qoysaskii 2016 ka soo barakacay deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa ay xustay in abaarihii ay ka dhameeyeen xoolo gaadhaya ilaa 150 neef oo adhiya, ka dibna ay go’aan sadeen in ay imaadaan magaalada kismaayo.

Gudoomiyaha Barakacayaasha Xeryaha Kaamamka Mariino Ubax Xassan Cade ayaa sheegtay in maalintii ay warshadaha barafka labaduba ay soo saaran lacag dhan 350,000 oo shilin Soomaali ah, taas oo dib loogu celiyo warshadaha si dadka barakacayaasha ay mudo dheer ugu manafacaadan oo uga biishaan qoysaskooda.

Ubax ayaa sheegtay in labada warshadoodba ay ka shaqeeyaan shan shaqaale ah oo qaabilsan wardiyaha warshadaha iyo nadaafada xarumaha bishiina la siiyo calaa qof lacag dhan $100. Waxaa kale oo ay sheegtay in mashruucaan ay la socdeen laba doonyood oo la siiyey 10 qof oo barakacayaal ah balse lagala soo daahay shabaagtii ay ku shaqaysan lahaayeen, walina aysan shaqo bilaabin.

“Waa wax aadan soo xamaalayn oo adiga guriga jooga laguu keenayo, barafkii aad biyo ka samaynayso, qaar aad gadanaysid, faa’iida ka soo galaysa dhagaxii iyo dhar dhaqaalkii tanaa uga fiican aad ayey ugu riyaaqeen, ayuuto ayey qaarkood ka samaysteen, waxaa ay sii furteen maherado kale”.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.