Muqdisho (WDN)- Dhaqdhaqaaq isbedel-doon ah oo lagu magacaabo Gurmad Qaran (GQ) oo maanta lagu dhawaaqay ayaa War-saxafadeed uu soo saaray soo gaadhay WardheerNews.
War-saxafadeedka ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:
Hordhac
Soomaaliya oo kaalin mug leh uga jirtay guud ahaan Caalamka iyo gaar ahaan Qaarada Afrika, ayaa sooyaalka taariikhda dhow waxay muujineysaa xasillooni darro siyaasadeed, amni darro baahsan, musuqmaasuq iyo khatar la soo daristay madax banaanida dalka, midnimada qaranka iyo dagaallada kooxaha xagjirka ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran (GQ)
Gurmad Qaran, waa dhaqdhaqaaq isbeddel doon waddani ah oo ay ku midoobeen waxgarad Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaana dhammaantood ka go’an in ay qayb ka noqdaan jihaynta mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed iyo xal u helidda mushkiladdaha ka jira dalka, iyagoo cashar ka qaadanaya waayihii la soo maray. Waa dhaqdhaqaaq aaminsan sarreynta sharciga, ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee qofka Soomaaliga ah, la dagaallanka musuqmaasuqa, in hoggaanka dalka lagu doorto daah furnaan, aqoon, wada ogol, raadraac fiican iyo tixgelinta rabitaanka shacabka.
Halkan ka akhri- warsaxafadeedka Gurmad Qaran (GQ) oo dhan
WardheerNews
Leave a Reply