WARSAXAAFADEED: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku ammaanay Puntland doorashada Baarlamaanka, una Hamblayeeyay Guddoonka cusub‏

WARSAXAAFADEED: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku ammaanay Puntland doorashada Baarlamaanka, una Hamblayeeyay Guddoonka cusub‏

Muqdisho, January 5, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashadii guddoonka Baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay doorashadaasi mid u dhacday si huffan oo ku dayasho mudan.

“Waxaan si weyn ugu hambalyaynayaa dhamaan xubnaha baarlamanka Puntland iyo gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Mudane Siciid Xasan Shire, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiillada
Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Xuseen Yaasiin Diiriye. Waxaan dhamaantood u rajaynayaa in uu ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaasi loo doortay, iyaguna ay
kasoo dhalaalaan xilkaasi ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

“Si dhow ayaan ula socday doorashadii guddoonka Baarlamanka Puntland ee shalay la soo gaba gabeeyay, waxay ahayd doorasho taariikhi ah oo muujisay bisaylka siyaasadeed ee Puntland ay ku talaabsatay oo tusaale wanaagsan u ah dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo intaasi sii raaciyay in ay tahay wax lagu faani karo, cadeyna u ah horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey doorashada madaxweyne-nimada ee dhowaan la qaban doono in ay ku dhamaato hannaan dimoqraadiyadeed oo raali laga wada yahay.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya