WARMURTIYEED-XISBIGA MIDOWGA NABADA & HORUMARKA: XARAASHKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA

WARMURTIYEED-XISBIGA MIDOWGA NABADA & HORUMARKA: XARAASHKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA

 

Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan.

1. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo.

2. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista.

3. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye.

4. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm.

5. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman.

HALKAN KA AKHRI: WARSAXAAFADEDKA XISBIGA UPD EE SHIRKA BATROOLKA LONDON

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.