Muqdishu- Kulan waynihii labaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayey hannaanka doorashooyinka 2016ka ayaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay 13-16kii bishii Diseembar 2015.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro xukuumadda fedaraalka ah iyo xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dawlad goboleedyada, Guddoomiye ku xigeenada Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, xubno metelaya Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshada Rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha calaamka.
Kulan weynaha labaad ee Madasha Wadatashiga Qaran, waxaa lagu soo bandhigay warbixintii iyo xogtii laga soo ururiyey wadatashiyadii dadweynaha ee looga arrinsanayey hannaanka doorashada 2016 ee ka qabsoomay goobo badan oo dalka gudihiisa ah iyo magaalada Nairobi intii u dhexaysay 15 Noofembar ilaa 5 tii bisha Diseembar 2015.
Madashu waxay soo dhaweysay hannaanka geedi-socodka wadatashiyada ee loo qabtay shacabka Soomaaliyeed. Wadatashiyadaas oo fursad weyn u siiyey muwadiniinta in ay ka qaybqaataan siyaasadda iyo talada aayaha dalka, taas oo muujinaysa hirgelinta mabaadi’da aasaasiga ah ee dimuqraadiyadda.
Madashu waxa kale oo ay soo dhaweysay kaalinta muhiimka ee ay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo maamulada gobollada Banaadir, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo ergada beelaha Soomliland oo dhammaantood gacan ka geystay in wadatashiyadu qabsoomaan. Madashu waxa kale oo ay xustay doorkii ergooyinkii ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo intii kale ee gacan ka geysatay.
Madasha Wadatashiga Qaran waxay soo dhaweyneysaa sidii xorta ahayd ee ay ka soo qaybgalayaasha wadatashiyadii ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba u soo bandhigeen afkaartooda kala duwan.
Ergada Madasha Wadatashiga Qaran waxay garwaaqsatay in shacabka Soomaaliyeed ay wadar ahaan u muujiyeen in ay rabaan isbedel siyaasadeed oo dhaca sannadka 2016 marka uu dhammaado mudadii xilka loo egmaday hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta (ee Dowladda federaalka) bilaha Agoosto iyo Sebtember 2016.
Madashu waxay qiraysaa doorkii wax ku oolka ahaa ee haweenka iyo dhalinyaradu ka qaateen wadatashiyada. Sidoo kalena, Madashu waxay qirtay in geedi-socodka doorashada ay ka dhex-muuqdeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidaas darteed, Madasha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiisay in qoondo loo sameeyo haweenka. Qoondadaaas waxa ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeelanayaan ergada doorashada iyo Xildhibaanada Baarlamaankaba.
Ergada Madasha Wadatashiga Qaran waxay garowsatay natiijada ka soo baxday wadatashiyadii lagu qabtay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa, Maadaama aragtida afarta hab-doorasho lagu kala duwan yahay, Ergada Madasha Wadatashiga Qaran waxay ay gebagabadii isla garteen in loo baahan yahay hab doorasho oo kulminaya aragtiyadii ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha wadatashiyadu.
Iyadoo laga ambaqaadayo wadatashiyadii iyo natijadii ka soo baxday Madasha Watashi Qaran waxay isku raacday mabaadi’da soo socota.
- In aysan jirin wax mudo kororsi ah xilliga uu dhamaado mudada dastuuriga ah ee hay’adaha dawladda.
- Dhismaha Aqalka hoose iyo Aqalka sare waa in ay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sanadka 2016.
- Doorashadda labada aqal waa in ay ku salaysnaadaan isku dheelitir Qabiil iyo Deegaan.
- In Ergooyin-doorasho ka qayb qaataan doorashadda xildhibaanadda Baaramaanka taasoo ka dhacaysa caasimadaha dawlad goboleedyada . Ergooyinka waa in ay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshadda sida haweenka, dhalinyaradda iyo bulshada rayidka ah.
- In ay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labadda aqal taasoo Haweenka loo qoondeeyey. Waa in la xoojiyo xuquuqda dhalinyaradda iyo dadka laga tira badan yahay.
- In la isku raaco qorshe howl-fullin siyaasadeed cad oo qeexaya meelmarinta hannaanka doorasho ee 2016 ka iyo mid kale oo cadaynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod ah looga hirgelin lahaa sanadka 2020 ka. Qorshayaashaan waa in ay qayb ka noqdaan heshiiska kama danbayska ah ee hannaanka doorasho ee 2016 ka.
- Ka dib watashi ay hogaamiyayaashu ugu noqdaan deegaanadooda, waa in faahfaahinta kama danbaysta ah ee hannaanka doorasho ee sanadka 2016 ka iyo qorsha fulineed la isku raacaa kulanka lagu qaban doono Kismaayo 10ka Janaayo 2016.
Madashu waxay u mahad celineysaa Guddi Hawleedka iyo Guddiga Taageerada Farsamo.
Ugu dambeyn, Madashu waxay mahad celin gaar ah u soo jeedineysaa beesha caalamka waxayna ku dhiiri galineysaa sii wadidda taageerada dadka Soomaaliyeed.
Muqdisho, 16 Diseembar 2015