Warmurtiyeed: Golaha Wadatashiga Qaran

Warmurtiyeed: Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (WDN)- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee hoggaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah, ayaa maanta lasoo gabagabeeyey. Golaha ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin oo ku saabsan qodobadii  iyo go’aamadii shrka lagu gaadhay.

Warmurtiyeed: Golaha Wadatashiga Qaran

Golaha ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay isgoyska 14-ka October ee Muqdisho, waxaana Caafimaad deg deg ah ay u rajeeyeen dadka dhaawaca ah ee xarumaha caafmaadka ku jira. Dhanka kale Goluhu ayaa boggaadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay ka gaareen dagaalada Al-shabaab lagula jiro. Iyaga oo ugu baaqay maamulka gooni isu taagga Somaliland inay ilaashadaan nabada iyo xasilloonida deegandaasi ka jira.

 Ra’iisal Wasaaraha DFS iyo madaxda maamulada gobolleedyada dalka ee Galmudug  Cabdi Xasan Qoorqoor,Hirshabeelle Cali Guudlaawe,Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan LaftaGareen iyo gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale   ayaa ku saxiixnaa war murtiyeedka shirka golaha wada tashiga kasoo baxey waxaana madaxdu ku heshiiyeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee ay maamihii lasoo dhaafey ka wada hadleen.

Golaha ayaa go.aano mideysan ka gaarey qodobada ugu muhiimsanaa oo ay ka mid yihiin Sugidda Amniga iyo la dagaalanka Alshabaab,Gurmadka Abaaraha iyo La Tacaalidda Saameynta Isbadalka Cimilada , Dardargelinta iyo Dib U Eegista Dastuurka,Dimuqraadiyeynta Iyo Doorashooyinka iyo Jadwalka iyo Habraaca Shaqo ee Golaha wada Tashiga Qaran.

Hoos ka akhrsio warmurtiyeedka shirka Golaha Wadatashiga Qaran:

Leave a Reply

Your email address will not be published.