Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warfidiyeennada Muqdisho iyo Hargeysa ee soo tebinaya caabuqa Covid-19 oo wajahaya faaf-reeb iyo cagajugleyn

MUQDISHO, Soomaaliya- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa handadaadda iyo cagajugleynta faafreebka ku saleysan ee warfidiyeenno kala duwan dhowaan loogu geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Warfidiyeennada Muqdisho iyo Hargeysa ee soo tebinaya caabuqa Covid-19 oo wajahaya faaf-reeb iyo cagajugleyn

30-kii bishii Maarso, shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici ayuu warfidiyeenka ugu goodiyay in wariyihii soo tebiya caabuqa Coronavirus iyadoo aaney dowladdu xaqiijin uu noqonayo “dambiile qaran”

19-kii bishii Maarso sarakiil ka tirsan booliska degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa xarig iyo handadaad isugu daray wariye Cabdullaahi Faarax Nuur (Yariisow), dharbaaxayna sawirqaadihiisii Cabdiraxmaan Cumar. Labada saxafi ayaa wareysiyo ku saabsan yaraanshiyaha agabka gacmaha iyo wejiga lagu xirto ee looga gaashaanto caabuqa Coronavirus ku duubayey agagaarka Daljirka Dahsoon. Wariye Yariisow ayaa u sheegay SJS in saraakiisha booliska markii ay qabteen geeyeen meel u dhow saldhigga booliska Boondheere, markii uu si ku celcelis ah u weydiiyay sababta loo xiray-na waxay saraakiisha tuseen bastooladahooda, iyagoo kaddibna u sheegay inay meel aan la ogoleyn ay filim ka duubayeen.

Labada warfidiyeen ayaa markii dambe la sii daayay iyagoon wax dembi ah lagu oogin.

27-dii Maarso, wariye Maxamed Dhaysane oo ka howlgala Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa cadaadis xoog badan kala kulmay warbixin ku saabsanayd in Dowladda Soomaaliya ay 20 dhakhtar u direyso dalka Talyaaniga, oo ah waddan uu caabuqan dad badani ku laayey. Suxufigan ayaa sheegay in labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay cadaadis ku saareen in warbixinta uu diray uu ka noqdo kana saaro mareegta wakaaladda Anadolu kadib markii ay Dowladdu cadaadis kala kulantay qaar ka mid ah waalidiinta dhakhaatiirta oo ka welwelsanaa badqabka caafimaadka dhakhaatiirtaas.

12 Maarso, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaalliya ayaa ka dalbaday Universal TV inay tirtiraan wareysi telefishinku la yeeshay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar oo sheegtay inay karantiileen afar qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka COVID-19, balse warbixinta ayaa weli ku sii jirtay bogga Telefishinka.

“Waxaanu cambaareyneynaa tacadiyadan ugu dambeeyay ee loo geystay warfidiyeenno tebinayay cudurka halista ee Covid-19 iyo caabuqa Coronavirus,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa intaa ku daray tebinta cudurka Coronavirus ay tahay arrin ahmiyad dadweyne leh, loona baahan yahay in shacabka lagu wargeliyo hadba wixii ku soo kordha si looga gaashaanto in cudurkani sii faafo, shacabku feejignaan u muujiyaan maadaama kumanaan qof ku dilay waddamo badan oo caalamka ku yaalla.

“Waxaanu ugu baaqeynaa maamullada Muqdisho iyo Hargeysa inay ogolaadaan is-dhaafsiga wararka warbaahinta, una ogolaadaan warfidiyeenada inay helaan xog ku filan oo ku saabsan tallaabooyinka lagula tacaalayo Coronavirus si loo badbaadiyo shacabka,” Xoghayaha guud ee SJS Mr. Mumin ayaa intaa ku daray.

Xigasho: SJS


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.