Tuesday, July 02, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • InterView
  • Maqaallo
  • Slideshow

Wareysi Dr. Georgi Kapchits- Khabiir ku Xeeldheer Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed

Odhaahda Tifaftirtka: Waxaanu akhristayaasha WardheerNews la wadaagaynaa mar kale oo aanu fursad u helnay in aanu waraysi xiise badan la yeelano Dr. Georgi Kapchits oo ah khabiir ku xeeldheer ururinta iyo cilmi baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Georgi Kapchits waxa uu ku takhasusay af Soomaaliga iyo af Amxaariga, waxa uuna ku dhashay dalka Ruushka, siiba Midowgii Sofyeetigii hore. Waa faylasuuf, qoraa iyo aftahan. Waraysigan waxa u qaaday WardheerNews qoraa (author) Aadan Makina.
___________________________

WardheerNews (WDN): Dr. Georgi Kapchits, ku soo dhowow degelka WardheerNews oo muddo dheer aad ku lahayd door aad u mhiin ah, anaga oo waraysi hore kula yeelanay, islamarkaana aad wax badan ka ogtahay degelka WardheerNews iyo waxqabadkiisa ay ka mid yihiin soo tebinta wararka, falenqeynta, cilmi baarista, dhaqaalaha, deegaanka, kala shaandheynta arrimaha siyaasaddeded ee adduunka ka aloosan siiba Geeska Afrika iyo Afrikada dhammaanteed. Dabcan, waxaad ka mid tahay udub-dhexaadka aqoonyahannada aanu ku tiirsano ee noo soo gudbiya cilmi iyo caadooyiin soo jireen ah oo lagu diirsado, kuwaas oo anfaca dad badan oo addunkan dacalladiisa kala daadsan.

Dr. Georgi Kapchits

Mar aan kuu soo tebiyay hees uu horey u qaaday Maxamed Saleebaan Tubeec (Allaah ha u naxariistee), waxaan ku xasuusiyay heestii uu qaaday ee ahayd: “In kasto nin geesi ah, rag u geed adeeg yahay, haddaan geesta lala qaban guri oodi maaye.” Dabcan, waad garan micnaheeda. Walow aad door weyn ka cayaartay dib u soo nooleynta af Soomaaliga hodanka ah, siiba burburkii dawladda dhexe (1991) kaddib, weli waxaan kuu arkaa in aad tahay maadaanlihii/maadiinlihii ardo badan ku tiirsan lahayd oo u dhiganta “stand on the shoulders of giants” marka lagu tarjumo afka qalaad.

Reer Xamarka waxay yiraahdaan, “adduun waa lama lama” oo la micno ah “fari keliya fool ma dhaqdo” ama wadajir baa wax loo qabtaa. Haddaba, bal aan u kuur galo wareysigeenna qaaliga ah ee aanan weligay horay kaaga qaadin si gaar ah.

Dr. Georgi: Mahadsanid. Aad ayaan u qadderinayaa waxtarkii aan xadka lahayn ee aad ku kordhisey horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Aad iyo aadna ayaan u jeclahay WadheerNews ee aan u haysto il nadiif ah oo laga helo warar muhim ah oo oo uusan qofna ka maarmi karin. “War iyo wax la cunaa lagu nool yahay.”  

WardheerNews: Saaxiibkeyga igu weynow, halkeed ku dhalatay oo ku barbaartay?

Dr. Georgi: Waxaan ku dhashay Midowga Soofiyeeti sannadkii 1939-kii. Inkastoo Midowga Soofiyeeti uu baaba’ay muddo dheer ka hor, haddana waxaan dareemayaa inaan weli ku nool ahay. “Dhego geel iyo dhalasho waa magguuraan”. 

WardheerNews: Halkeed ku baratay af Soomaaliga?

Dr. Georgi: Waxaan af Soomaaliga ku bartay Machadka afafka Aasiya iyo Afrika ee ka tirsan Jaamacadda Moosko, kaasoo aan ka qalin jebiyey sannadkuu marku ahaa 1967-kii. Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay waqtigii aan bilaabay barashada af Soomaaliga. Hase yeeshee waan sii baranayaa. Af Soomaaligu wuu sir badan yahay. Waxaan odhan lahaa: ‘Sir afeed iyo sir naageed lama sal gaaro.”

WardheerNews: Goormaad biloowday barashadiisa iyo maxaa u sabab ahaa?

Dr. Georgi: Arday kasta ee wax ku barta Machadkayga waxaa khasab ku ah inuu barto ugu yaraan saddex af oo ay ka mid yihiin af looga hadlo qaaradda Yurub iyo laba af oo kale oo looga hadlo Aasiya ama Afrika. Afkii Afrikaanka ee iigu horreyey wuxuu ahaa afka Xabashida ee aan baranayay muddo lix sano ah. Afkaygii labaad wuxuu noqday Af Soomaaliga. Inkastoo la yidhi “Laba qare gacani ma wada qaado”, haddana waxaa ii suurtaggashay in labadaa af ee aad u kala duwan aan wada barto.

WardheerNews: Ma dad Soomali ahaa ayaad ka baratay mise iskaaga ayaad baratay?

Dr. Georgi: Muddo yar kaddib markii aan bilaabay barashada af Soomaaliga ayaa ii muuqatay in afkani uu yahay mergi oo kale oo hadba dhanka loo jiido u jiidma. Markaasaan is idhi: ‘Ma waalan tahay? Afkan yaabka leh weligaa baran maysid!’ Hase yeeshee waxaa i geesinnimo geliyey saddex qof oo kala ahaa: macallinkaygii Aleksander Zholkovski ee ahaa qofkii ugu horreeyey Midowga Soofiyeeti ee bartay naxwaha af Soomaaliga, weliba Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed ee xilligaas waxbarasho u joogay Moosko, aniguna aan la saaxiibay.

Inkastoo la yidi “Saaxiibkaa hadduu malab yahay, ha wada leefin”, haddana si aan xishood lahayn ayaan uga leefi jiray aqoontii aan xadka lahayn ee ay ku lahaayeen af Soomaaliga.

Halkan ka akhri waraysiga oo dhamaystiran: Dr. Georgi Kapchits- Khabiir ku Xeeldheer Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed

Adan Makina
WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.