Hargeysa (WDN)- Wareegto ka soo baxday Xaifiiska Madaxweynaha Soomaaliland Md. Muuse Biixi, ayaa lagu sheegay in loo fidiyay saamaxaad Xildh. Maxamed Cumar Carte, kadib markii uu ka noqday fikirkiisii hore. Wareegtada laguma qeexin waxa ay tahay fikirkiisii hore, iyada oo loo jeedo in uu Maxamed Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, horeyna u ahaa RW xigeen, uu ka noqday ama ka baxay masuuliyadii uu ka hayay Soomaaliya. Wali ma jiro wax war oo caddeyn ama beenin ah oo ka soo baxay Xil. Maxamed Cumar Carte, isaga oo la sheegay in uu booqasho shakhsi ah ku tagey Hargeysa.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland oo soo gaadhay Wardheernews, ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan:

Leave a Reply