W/Q: Idiris M. Cali
WardheerNews toban sano ayay baarka ka goysay. Sida ay u da’ yar tahay iyo mugga xogaha aqooneed ee ay dhitaysay isma laha. Taasna waxaa sabab u ah, oo ku mahadsan, tifaftirayaasheeda u geyllan muujinta kartida, anshaxa iyo xorriyadda ay warsididdu door ku tahay—tifaftirayaashaas oo hadh iyo habeen u geyfan sidii ay akhristayaasha WardheerNews ugu xiri lahaayeen duni, wacaal ahaan, aad u fadlinaysa.
Sida ay Siciid iyo Rashiid ba uga marag keceen, WardheerNews “waa xor” ku dadaashay “ilaalinta iyo hodonaynta xorriyadda” akhristaha. Sidaas awgeed, WardheerNews waa madal si xor ah loogu wada doodo, oo uu akhristuhu garsoore ka yahay. Taasina waa astaan ay ku soo dhalatay, oo waa tii iyada oo carruur ahba boggeeda lagu axray dooddii shishlayd ee ku saabsanayd daahfuridda miisaanka maansada Soomaaliyeed.
WardheerNews waa gudbiso garabsata anshaxa si ay u tebiso wacaal run ah oo caddaymaheeda wadata. Taasna waxaa wacaya iyada oo aan u ficiloon shirkad iyo shaqsi toonna. Waxa ay kolka WardheerNews ahaatay goob lagu saxo falaadka ay ku kacaan shaqsiyaad anshaxa qoraaleed sakal xuluuliya. Sidaas ayay WardheerNews ku tahay gasaasad sifaysan, waayo, sida aan mar hore qoray, “Gasaasad aan sifaysn[ay]ni, guriga wada nuurin mayso.”
Gasaasaddan sifaysan, aqoonta ilayska ah ee ka soo kaahaysa waxaa shidaysa karti. Waa kartida meel isugu keentay waxgarad kala baaday, oo wareysiyo xiiso leh la kala yeelatay. Waa kartida isu soo ururisay mahadhooyinka jiilal Soomaaliyeed oo ay dagaalladii sokeeye kala xiriir fureen. Waa na kartida intaas murtida u weelaynaysa waayeelka, iyo dhallinyaradaba. Kartida sidaas u weyn la yaab ma leh haddii ay qoraayo aan ku jiro soo saarto!
Maba jiraan kobabgalsheedyo la barbar dhigi karo WardheerNews, oogta aan damayn; hayeeshee, waxa halkan iyo halkaas ka soo birbirqaya degello faro ku tiris ah oo raadkeeda haya. Inta ay kuwani WardheerNews kaga dayanayaan iska-giijinta xorriyadda, anshaxa iyo kartida ay warbaahinta doorka ihi ku shaqayso waa hubaal in ay bulshada Geeska waxtar weyn u reebi doonaan. Waxaana taas ku mahadsan tifaftirayaasha bulbulka ah ee WardheerNews.
Idiris M. Cali
Dhanjic:idiris.m.cali@gmail.com
—————
Idiris M. Cali waa qoraa WardheerNews ku soo bandhiga curisyo iyo sheekooyin gaaggaaban, waa na waxbaare ku xeeldheer aqoonta dhismaha maansada Soomaaliyeed. Qoraha waxaa kale oo laga la xiriiri karaa facebook.com/idiris.m.cali.
Leave a Reply