Warbixinta Xaaladda Soomaaliya ee cudurka COVID19

Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Caafimaadka  ee Dowladda Federaalka Soomaaliya(DFS), ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo cusub oo ah cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DF, Marwo Fowsiya Abiikar, ayaa ssheegtay in 1 ruux uu u geeriyooday, 3 qof -na ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub ee laga diiwaan geliyay dalka ay kala yihiin: gobalka Banaadir 24, Somaliland 8 iyo Puntiland 3.

Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada wadarta guud ee COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089, halka 52 bukaan ay u geeriyooday cudurka, waxaana bogsaday 121 ruux.

Dhinac kalena wararka naga soo gaadhaya maamul Goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in  3 Wasiir oo ka tirsan Dowladda Puntland uu ku dhacay cudurka Coronavirus ( Covid-19).

WardheerNews