Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warbixinta Xaaladda Soomaaliya ee cudurka COVID19

Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Caafimaadka  ee Dowladda Federaalka Soomaaliya(DFS), ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo cusub oo ah cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DF, Marwo Fowsiya Abiikar, ayaa ssheegtay in 1 ruux uu u geeriyooday, 3 qof -na ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub ee laga diiwaan geliyay dalka ay kala yihiin: gobalka Banaadir 24, Somaliland 8 iyo Puntiland 3.

Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada wadarta guud ee COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089, halka 52 bukaan ay u geeriyooday cudurka, waxaana bogsaday 121 ruux.

Dhinac kalena wararka naga soo gaadhaya maamul Goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in  3 Wasiir oo ka tirsan Dowladda Puntland uu ku dhacay cudurka Coronavirus ( Covid-19).

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.