JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
GOLAHA SHACABKA
Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda
Warbixin Maaliyadeedka meel marinta Qoonda Miisaaniyadda 2018 Mudada: Janaaayo – Agoosto
______________________________________________________________________________________________
Hordhac:
Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda isagoo tixraacayo qodobada 2aad, 68aad iyo 70aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, iyo qodobka 7aad ee qaraarkii golaha shacabku meel mariyey 14/11/2018 iyo Sharciga Maamulka Maaliyadda Qaranka Lm 2, ee 1961.
Guddigu isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ku aadan hawlaha maaliyadda dalka, kor joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dawladda, wuxaa uu si dhow ula socday habsami u socodka meel marinta Miisaaniyadda 2018, laga soo bilaabo bishii Janaayo ilaa Agoosto 2018.
Guddigu isaga oo mar walba ka helaya xogta xisaabtaadka iyo baarista maaliyadeed xafiiskayada kala ah.
– Xisaabiyaha Guud.
– Hantidhowrka Guud.
Guddigu wuxuu mudnaanta 1aad ee la socodka Miisaaniyada siiyay ama xoogga saaray labada dhinac ee kala ah.
– Dhinaca soo ururinta / soo xereynta dakhliga iyo hab-raaca maamulka bixinta kharashaadka, iyo
– Dhinaca dhaqan gelinta shuruucda ku xusan Xeerka Golaha Shacabku ku meel mariyay Qoondada Miisaaniyada 2018 iyo u hoggaansamida shuruucda kale ee Maamulka Maaliyadda ee dalka.
Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo
La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda
Leave a Reply