Muqdisho (WDN)- Ciidamada Amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii hoteel Xayaat ee muddada ka badan 24-ka saac halkaasi ka socdey.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Md. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in ciidamada Amnigu ay 106 qof badbaadiyeen, iyaga oo xoogga saarayay badbaadinta shacabka goobta ay ku weerareen maleeshiyada argagixasadu.
Wasiirka Caafimaadka ee DFS Md. Cali Xaaji ayaa isna sheegay in weerarka maalishaadka kooxda Al Shaabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat, ay ku dhinteen 21 qof, halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Meydad hor leh ayaa laga soo saarey gudaha hoteelka oo intiisa badan la burburiyey qaraxyada iyo hubka xooggan ee la isu adeegsadey dartood.
Dhanka kale qoraal kasoo baxey hogaanka ciidamada Mareykanka Afrika ee ( Africom) ayaa lagu yiri ” Dowladda Mareykanka waxa ay si adag u cambaareynaysaa weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaal Muqdisho. Waxaana tacsi u direynaa dhammaan qoysaska waayay dadkoodii ay jeclaayeen, waxaana caafimaad u rajeynayna inta dhaawaca ah. waxaana ballan qaadeynaa in aan sii wadi doono taageerada aan siino dawladda Soomaaliya si loola xisaabtamo gacan-ku-dhiiglayaasha ee dadka laayey sidoo kalena hantida dadweynaha burburiyey” .
Maalin ka hor ayey ahayd markii kooxda xagjirka ee Alshabaab ay gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo ku dhufteen hoteelka Xayaat, kadibna maleeshiyo hubeysan oo kooxda ka tirsan ay gudaha hoteelka galeen ayagoo muddo ka badan 24 saacadood ka dhex dagaalamayey dad badanna halkaa ku laayey.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho