Muqdisho (WDN)- Kooxda Alshabaab ayaa maanta weeraro qaraxyo ay u adeegsadeen baabuur, ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo sababey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey askar ka tirsan dawladda federaalka, maleeshiyaadka deegaanka iyo dad rayid ah oo goobaha qaraxyada ka dhawaaa.
Qaraxyada ayaa lala beegsadey laba guri oo degmada Maxaas ay ka daganaayeen Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali Jacfar iyo gudoomiyaha degmadaasi. Waxaana wararku sheegayaan in masuuliyaantaasi ay guryaha ka maqnaayeen xiliga qaraxyadaasi lala beegsaday.
In ka badan 30 qof oo u badan askar ilaalo u ahayd masuuliyaantan iyo dad rayid ah, ayaa qaraxyadaan ku dhimatey, tiro intaa badan oo rayid iyo askar isugu jirtana waa ay ku dhaawacmeen. Burbur xoogan ayaa soo gaarey dhismayaashii ku yaalay goobta qaraxyadu ka dhaceen.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyada, waxa ayna kooxdu tilmaamtey in weerarka qaraxyada ahi ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda federaalka oo hormuud u ahayd hawlgalka ka dhanka kooxda ee ka socda gobollada dalka. Sidoo kale askar fara badan oo saraakiishaasi ilaalo u ahayd ayey kooxdu xustey in weerarkaasi ku dishay.
Weerarkaan qaraxyada ah ee maanta Alshabaab ku qaadey degmada Maxaas ayaa noqonayaa qarixii labaad ee ugu xooganaa oo Alshabaab la beegsato saraakiisha hor kacaysa hawlgalka kooxda ka dhanka ah ee ka socda deegaanada maamulka Hirshabeelle. Hore ayay kooxdu qaraxyo masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ku dhinteen ka fulisay 3-dii bishii Oktoober ee sanaddii dhamaatey ee 2022, xerada Lama Galaay ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply