Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyadii Maanta ka Dhacay Muqdisho

CID-qaraxMuqdisho, Julay 31, 2016 (WDN)- Xaaladda   Muqdisho oo ay maanta ka dhaceen weerarro ismiidaamin ahi oo lagu qaaday xarrunta CID ayaa ah hadda mid deggan oo caadi ku soo noqotay.

Weerrarka oo ahaa mid markiisa hore ku bilowday tira qaraxya ah ayaa kooxda Al shabaab ku qaadeen Xurrunta Baarista Danbiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xubno tiradooda lagu sheegay 4 qof oo ka tirsan Kooxda Shabaab iyo Ciiddanka Ammaanka ayaa muddo kooban waxa ay ku dagaalameen afaafka hore ee laga galo Xarrunta CID ee maanta la weeraray iyado la sheeegay in laba ka mid ah ah raggii weerarka geystay ay goobtaas isku qarxiyeen.

Ciiddamo aad u badan ayaana halkaasi soo gaaray kuwaasi oo sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliyeed soo gabagabeeyay howlgal mudda yar qaatay.

Illaa 10 ruux oo u badan dad shacab ah ayaa ku geeriyootay weerarka ismiidaaminta ahaa oo maanta lagu qaaday Xarrunta CID, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad intaasi ka badan inkastoo Khasaaraha dhimashada uu intaasi ka sii badan karo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay ku dishay 12 askari iyo saraakiil, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera kooxda.

Xarunta CID-da ayaa ku dhow isgoyska KM4 oo ah mid mashquul ah, sidoo kale waxaa ka soo horjeeda Hotelka Saxafi. Xarrunta ayaa waxaa maalin walba taga dad kala duwan oo u aada arrimo dacwo iyo in faraha baasaboorka laga qaado.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka geysato magaalada Muqdisho muddo shan maalmood gudahood, iyadoo Talaadadii la soo dhaafay qaraxyo ismiidaamin ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews,  Muqdisho