Qarax gaari loo adeegsaday ayaa galinkii danbe ee maanta ka dhacay maqaayad ku taal xerada Sheelare oo ka soo horjeedda Soomaali Fruit oo u dhow dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
Inta la shaaciyay 8 Qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan Hooyo iyo wiilkeeda, 6 kalena way ku dhaawacmeen, Qaraxa ka dhacay derbiga Ddekada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay isku bedeshay buuq iyo sawaxan, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab fara badan kuwaasi oo eheladooda ku tuhmayay in ay ku jiraan dadka goobtaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay.
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxan.
Ciidanka ammaanka oo gobtaasi tagay ayaa xannibay socodka dadka iyo gadiidka nawaaxiga maqaayadda uu qaraxa ka,dhacay iyaga oo dadka ku amrayay in ay ka fogaadaan goobta.
Dhanka kale Shabaab ayaa lagu edeeyay in ay ka danbeyeen weerarkii casar liqii ka dhacay nawaaxiga dakadda Muqdisho,
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews
Leave a Reply