Wararkii Hotel Xayaat iyo hoobiyaal la beegsaday xaafado ka mid ah Muqdisho

Wararkii Hotel Xayaat iyo hoobiyaal la beegsaday xaafado ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Weerarkii Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa wali socda, kadib markii ay xalay fiidkii qarax iyo weerar ay ku soo qaadeen maleeshiaad ka tirsan Al Shabaab.. Ciidamada Amniga iyo kuwa Al Shabaab oo wali ku jira , ayaa ku dhex dagaalamaya hoteelka. Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi argagixisada , ayaa lagu soo waramayaa in dhimashadu gaartay 20 ruux, halka dhaawacyaduna intaa ka badanyihiin.

Hotel Xayaat, ciidamada amniga oo ku jira hawshii badbaadinta, kadib markii hoteelka weerer lala beegsaday

Dadka ku dhintay weerarka ayaa lagu soo warmayaa in ay ku jireen Odey dhaqmeedyo uu shir uga socday Hoteelka – Xayaat. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaawacyada la geeyey goobaha caafmaadka ay gaarayaan illaa 20 qof, oo qaarkood xaaladoodu laga deyrinayo.

Ciidamada amaanka ayaa badi soo badbaadiyey dadkii weerarku ku qabsadey gudaha Hoteelka.

Dhanka kale, kooxda Alshabaab ayaa weerar hoobiyaal ah ku qaadey xaafadda iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababey dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Sawaxanka iyo jugta hoobiyeyaasha oo inta badan Muqdisho laga wada maqlayayey, ayaa warku sheegayaa in inta illaa iyo hadda laga war hayo ay ku dhinteen 4 caruur ah oo wada dashay, kadib markii hoobiyuhu gurigooda ku dhacey.

Maxamed Cumar Aadan
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.