War-saxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Casho Sharaf iyo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

War-saxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Casho Sharaf iyo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

jabJabuuti, Iyadoo toddobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya dawladda Federalka Soomaaliya iyo Puntland, ayaa xalay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda Jabuuti madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.

Kulankan cashada ah oo ay goobjoog ka ahaayeen labada wafdi ee Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay in ay hakad galisay.

jab1Kulankan waxaa dhanka wafdiga Ra’isul Wasaaraha kamid ahaa wasiirka Gaashaandhiga, wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, wasiir ku-xigeenadda Ganacsiga iyo Khayraad, halka dhinaca Wafdiga madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud faroole ay kamid ahaayeen wasiirrada Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Puntland.

Markii ay cashadu soo dhammaatay waxaa ra’iusl wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah oo saacado qaatay uu la yeeshay madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamuud faroole.

Kulankan waxaa la qiyaasayaa in uu u xuubsiiban doono wada hadallo kale oo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta maamulka Puntland iyo dawladda Federlaka Soomaaliya

 

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.