War Saxaafadeed: Dabaaldegga Maalinta Dawlad Goboleedka Jubaland

Mac-hadka Harumarinta Jubaland, Jubaland Development Institute (JDI), ayaa qabtay  shir-telefoon balaaran (teleconference) maalintii Sabtida ee bisha May 24keedii.

MHJubalandShirka waxaa gudoominiyay Madaxwayne  ku xigeenka koowaad ee Dawlad Goboleedka Jubaland General Cabdullaahi Sh Ismaaciil Fartaag oo Khadka Telefoniga ah kaga jiray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Waxaa sidoo kale khadka telefonka kaga qayb qaadanayay, madax sare oo ka tirsan Dawladda Goboleedka Jubaland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Bulshada, Macalin Moxamed Ibrahim, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Abniga General Darwiisha, Afhayeenka Dawlad Goboleedka Jubalan C/Naasir Sareer, iyo Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose Cabdi-Rashid Gooni.

Halkan ka akhri/dhegeyso sidii uu shirkaasi u dhacay

Xasan Faarah Shire
Madaxa, Mac-hadka Harumarinta Jubaland
Email: jdi2020jdi@gmail.com