WAR SAXAAFADEED
Dawladda Puntland waxay si rasmi ah u cambaaraynaysaa weerarkii waxshinimo ee ururka argagixisada Al-shabaab uu maalintii shalay ku qaaday xarunta garsoorka ee Dawladda Federalka Somaliya ee magaalada Muqdisho.
Maamulka iyo shacabka Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii dadkii ku geeriyooday weerarkaas waxayna EBBE uga baryayaan inuu naxariisti janno ka waraabiyo inta dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.
Puntland waxay weerarkaas u aragtaa mid argagixiso isla markaasna looga gol leeyahay in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed.
Sidaa awgeed ayaa Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaliyed in ay meel oga soo wada jeestaan sidii loo soo afjari lahaa, kooxaha argagixisada ah ee hortaagan nabadda,xasilonida iyo horumarka ummadda Somaliyeed.
Dhammaad
Leave a Reply