Muqdisho (WDN)- War murtiyeed ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, ka gadaal shir ay ku yeesheen magaalada Kismayo 04-08-Sebtember 2018 , ayaa lagu sheegay in:
-Inta laga helayo fulinta qodobadaas muhiimka u ah wadashaqeynta labada dhinac, Goluhu wuxuu hakiyey wadashaqeyntii u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada
War murtiyeedkaasi maanta ka soo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Gobledayada , oo soo gaadhay WardheerNews ayaa u qornaa sidan:
———
Shirkii 3aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey. Magaalo Madaxda Ku meelgaarka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismayo ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaman xubnaha hogaamiyeyaasha.
Golaha- Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ahna Gudommiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha, Madaxweynaha Koonfur
Galbeed Mudane Sharif Xassan Shiikh Aden, Madaxweynaha Galmudug
Mudane Axmed Ducaalle Geelle iyo Madaxweynaha Jubbaland oo martigaliyey shirka mudane Axmed Maxamed Islan.
Shirka oo socdey intii u dhaxaysay 04-08 waxaa ka soo qayb galey madax kale oo kor u dhaafayey ilaa 100 ergey oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyeyaaha Baarlamaananka Jubaland iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug , xildhibaano iyo Wasiiro kala matalayey Dowlad Goboleedyada ku bahoobey Golaha Iskaashiga.
Mudadii shirku socday waxay madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo diirada lagu saarayey Amniga, Siyaasadda iyo Bulshada ee dalka, waxaana geba gabadii shirk ka soo baxay War-Murtiyeedkan:
Halkan ka akhri: War Murtiyeed Shirkii 3aad GIDG Kismayo oo dhamaystiran
WardheerNews
Leave a Reply