Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

War Murtiyeed Codka Haweenka Soomaaliyeed oo ku aadan Xaaladda Soomaaliya

Mogadishu
April 29, 2021

War Murtiyeed:

Kacdoonka Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM Guddigiisa, xubnahiisa, hoggaamiyayaasha haweenka Soomaaliyeed, iyo haweenka bulshada qaybaheeda kala duwan ka tirsan, ururada bulshada rayidka ah, iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed waxaa aad u
gilgilay ayna ka xumaadeen xasaradaha ka soo cusboonaaday dalka gaar ahaan Gobolka Banaadir oo 25-27 April ay ka dhaceen dagaalo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac shacabka ku noolaa Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Iyada oo taas laga
duulayo, SGEM waa kacdoon u dooda xuquuda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo matalaada jinsiga ee madasha go’aan gaarista, iyada oo kor u qaadaysa dhab-u-heshiin iyo xalinta khilaafaadka ee Soomaaliyeed ayay qabanqaabisay kulan loogu magac daray Codka Haweenka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Aaladda Fogaan aragga Abriil 28, 2021 oo ay ka soo qaybgaleen golaha guud ee SGEM, si ay uga wada hadlaan xaaladda una soo saaraan war murtiyeed talooyin xambaarsan.

Madashan la qabtay Abriil 28-keedii oo halkan laga billaabo loogu yeeri doono Madasha waxaa ka qaybqaatay xubno ka mid ah hoggaamiyayaasha haweenka, xirfadlayaal kala duwan iyo daneeyayaal kale oo ku kala sugnaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Marti sharafta ka hadashay iyo dadka ka soo qaybgalayba waxaa ka mid ahaa haween hoggaamiyaal caan ah , siyaasiyiin, indheergarad, iyo dad kala duwan oo ka kala socda bulshada qaybaheeda ka;a duwan.

Dhqdhaqaaqa SGEM iyo dhammaan kaqaybgalayaashii ayagoo aad uga walaacsan dhacdooyinkaas qalafsan oo aan la filayn waxaa ay dood dheer oo ay ka yeesheen dhaqdadaas murugta lahayd ay ka muujiyeen dareenkooda shaqsi iyo mid guudba , waxayna ka doodeen kaalinta waxgaradka iyo haweenka Soomaaliyeed ka qaadan karaan daminta
xasaradahaas ka soo cusboonaaday caasimadda Soomaaliya.

Waxaa dhammaan Haweenkii ka hadlay kulanka fogaan-aragga oo aan qaybahooda kor ku soo xusay ay si isku mid ah u cambaareeyeen xasaradihii dhacay, waxaana ay ka soo saareen bayaan ka kooban qoddobada hoos ku xusan:

Kaqaybgalayaasha shirku waxaa ay si wadajir ah isugu raaceen :

  1. U cambaareeyeen falkii gacankahadalka ahaa oo siyaasiyiintii kala fikir duwanaa kula kaceen muwaadiniintii ku noolaa caasimadda Muqdiaho kuwaas oo ay ka soo gaartay dhimasho, dhaawac, barakac iyo walaac.
  2. Waxaa ay soo dhaweeyeen dhambaalkii yidadiilada lahaa oo ay wadajirka u soo saareen madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele, Raysalwasaaraha dalkuna soo dhaweeyey, bayaankaas oo ay ku caddeeyeen in aanay ku waafaqsanayn Baarlamaanka Iyo Xukumadda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya muddo kordhinta labada sano ah oo Barrlamaanka dalku u kordhiyey xukuumada ku meelgaarka ah taas oo ay u arkeen in ay sii murjinaysay xaallada dalku ku jiro, waxaana ay qiraalkooda ku
    soo jeediyeen in dagdag loogu noqdo kulan lagu dhammaystirayo qaabkii lagu gali lahaa doorasho dadban oo ku salaysan heshiiskii 17 ka september 2020 ay madaxda DFS iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka aha DFS ay ku gaareen Caasimadda Soomaaliya Muqdiaho.
  3. Waxaa ay si adag ugu baaqeen in haweenku aanay dibadjoog ka ahaan karin xaaladda murugsan ee dalku ku jiro waxaana ayagoo kaashanaya hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah ee dhexdhexaadka ah , culimada iyo dhaqankaba ay soo jeediyeen in ay
    dagdag ugu istaagi doonaan in ay ka qaybgalaan kulamada iyo dadaalada lagu dhammaystirayo doorashada 2021 ayagoo ka gali doona kaalin dhab u heshiineed , u kala dabqaadid iyo kaalin
    la talineed madaxda is haysa, si loo loo afmeero tabashooyinka ku gadaaman in dalka ay doorasho ka dhacdo.
  4. Waxa ay ku taliyeen in si dagdag ah magaalada looga saaro ciidamada ku kor dagaalamay shacabka ee ka soo wada jeeda dawladda iyo mucaaradka, si shacabkii barakacay ay si
    nabadgalyo ah oo aan cabsi lahayn ugu soo noqdaan guryahooda.
  5. Waxay si adag ugu baaqeen Madaxda DFS iyo madaxda dawlada xubnaha ka ah DFS in ay dagdag isugu yimaadaan, xaliyaan kala duwanaanshahooda ayagoo u turaya shacabka xilligan ku guda jira bisha Ramadaan, sidoo kale waxaa ay kula taliyeen madaxda in ay soo
    afjaraan kala duwanaanshahooda dalkana ka qabtaan doorasho soo afmeerta xasaradaha siyaasadeed ee hadda taagan.
  6. Waxa ay hoosta ka xatiiqeen baahida loo qabo in la wada heshiiyo, lays cafiyo, boogaha kala duwanaanshaha keenayna la wada daweeyo, si dalka iyo dadka lagu soo cesho xaalad degganaansho iyo wadajir.
  7. Waxa ay ugu baaqeeyn hoggaamiyayaasha DFS iyo Dalwadaha xubnaha ka ah in ay wadajir u xaliyaan qoddobada laysku hayo ee ku jira heshiiskii ay wada gaareen 17 september 2020, ayna ku kala tagin kulankooda ilaa ay dhammaystiraan heshiiskaas si dalku u galo
    doorasho laysku waafaqsan yahay oo wada oggol ah.
  8. Waxa ay ku taliyeen in kulanka hoggaamiyayaashu noqdo mid ku salaysan wada oggol kuna dhammaada daganaansho dalka u horseedi kara in talada dalka si nabadgalyo ah laysugu wareejiyo
  9. Waxaa kulanka lagu xaqiijiyey baahida loo qabo in hoggaamiyayaasha dalku xaqiijiyaan ballanqaadkoodii ahaa in haweenka Soomaaliyeed ay doorashada 2021 loo xaqiijiyo 30% ayadoo loo marayo habraacii hoggaamiyayaashii dalku isku raaceen diorashadii dadbanayd ee 2016, heshiiskaas oo ay ku caddayd in 3 dii kursi oo deegaan doorasho mid ka mid ahi haweenka loo gooni yeelo.
  10. Waxaa ay ku baaqeen in loo baahan yahay wacyigalin bulsho oo lagu dawaynayo dhammaystirka khilaafkii iyo xasaradihii dhacay la qabto ,ayadoo ay ka qaybqaadanayaan dhammaan waxgaradka bulshada ayadoo la isticmaalayo baraha bulshada isgaarsiinta dalka.
  11. Gabagabadii waxaa ka qaybgalayaashii shirku ay baaq culus u direen dhalinyarada iyo waayeelka isticmaala baraha bulshada iyo warbaahinta in ay ka waantoobaan erayada xanafta leh ee kala qaybinaya bulshada Soomaaliyeed, walaalnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, billaabaana isusoo dhawayn iyo tabinta warar aan caqabad ku ahayn nabadgalyada iyo dawladnimada dalka.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.