Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

WALAALOOBA WAA TAAN MAQLAYE, WADAJIR YAW DIIDAY

W/Q Xamdi CabdiNaasir 

Mahad idaylkeed waxaa mudan Illaahayga ay wax walba gacantiisa ku jiraan ee qaar cizeeya qaar kalena duleeya; naxariis iyo nabad-galyana ha ahaato nagabigeena dushiisa.

Qormadan kooban waxaa igu kiciyay baaqyada is daba-joogga ah ee ka imanaya maamulka ka taliya gobolka Soomaali-galbeed. Baaqyadu waxay leeyihiin umadda Soomaaliyeed ha midawdo maadaamoo Itoobiya is-baddallo badan ka jiraan, qawmiyadda Oromaduna Soomaali laynayso.

Hagaag! Waa arin fiican in ummaddu midawdo. Mase is waydiisay, “midoobistu ma iyadaa yool ah, mise waa tab lagu gaadho yoolka?”Illaahay SWT oo inna amraya midowga, iska midooba ma odhanine wuxuu ina yidhi, ku midooba xadhiga Illaahay oo ha ku kala tagina (Aala-Cimraan, 103).  Saxaabiga wayn ee Cabdullahi ibnu Mascuud oo fasiraya kalmadda “jamaaca” ama “wadarta/midawga”, wuxuu yidhi waa wixii kolba xaqa waafaqsan xataa haddaad kali ku noqoto. Cabdullaahi markuu sidaas leeyahay ma aha inuu kalmadda luqad ahaan u macnaynayo, ee wuxuu ka hadlayaa midawga Illaahay inagu waajibiyay. Ma malayn kartaa haddaan sidaa loo fasirin ceebta ka dhalan lahayd? Waxaa waajib noqon lahayd inay gaalnimadu waajib noqoto, in xatooyadu waajib noqoto iyo in sinadu waajib noqoto marka dadku sidaas isku raaco illayn midawgii baa waajib ahaaye.

Haddaba haddaan fahamnay in waxa fiican amaba waajibka ah aanu ahayn in ummaddu hal meel isugu tagto ee uu yahay in qof-walba raaco xaqa oo xaqaasna lagu midoobo, maxay inoogu baaqayaaan inaan ku midawno? Waxa u badan ooy sheegaan waa Oromaa ina laysay weeye.

Waa run! Oromo dad badan oo Soomaali ah way laysay, waana xaq in Oromo taas lagu naco oo kuwooda ka masuulka ahna caddaalad la mariyo. Laakiin waxaa doqonnimo ah inaynaan su’aalahan is-waydiin marka maamulka leeyahay aan midawno:

  • Haddii dadka Oromadu laysay ay kumanaan jeer ka badanyihiin kuwa maamulku laayay, baro-kiciyay ama xabsiga ku haysto, sideen ula midoobaa labada dambiile kii sii darnaa anoo sabab ka dhiganaya dambiilaha sahlan dambigiisa?
  • Kuwa Oromadu laysay miyaanu maamulka jigjiga uusan sabab u ahayn isagoo iska dhisaya Tigreega? Tusaale: – maalintii Oromo niman Tigree ah oo dulmay ku muddaaharaadayeen, yaa xabbadda dhabarka kala dhacay? Yaa abaabulay muddaaharaadyo Deegaanka, Europe, Kenya, USA iyo meelo kalaba ka dhacay oo Oromo lagu af-lagaadeeyay calankoodana lagu gubay? Yaa Tigree malaayiin dollar oo caawimo ah uga dhacay shacabka miskiinka ah isagoo Oromada kula dagalaamaya, maantana kuwa Oromadu laysay xataa hadal ku caawin kari la’?

Intaas waxay sawir inaga siinaysaa in baaqa midawgu aanu jaro-ku-joogto lahayn.

Haddaynan inoo hayn wax damiirku aqbali karo oon ku midawno, ma leeyihiin war bal kaalaya aynu ka tashanno sidaan ku midoobi lahayne? Taasina intaan ka war-hayo ma muuqato.

Rajo lagama quustee, taloow maamulku wixii ummadda ka kala didiyay ma joojiyay, mise wuxuu rabaa isagoo wali laynaya, xabsiyadu la ciir-ciirayaan dad xaq darro loo soo xidhay oo cunaqabatayntii dhaqaalaha iyo bahdilaaddii bulshadu halkeedi tahay in dadkoo dhan taa ku amaanaan ooy kula midoobaan?  Gabay uu Qaryaan Dhoodaan tiriyay horaantii 80aadkii ayaa waxaa ka mid ahaa “Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye”, taasoo uu ka wado xataa xoolaha oon garasho dhaanno waxaa ay dugsadaan oo kaliya meeshii ay ku nabad-galayaan. Haddaba, iyadoo aan la dawayn wixii sababay midaw-la’aanta ummad isku isir, diin, af iyo dhaqan ah sidee lagu midoobi karaa?  Mar kale isagoo sawir ka bixinaya suurtaw-la’aanta in naflaydu isaga xiisooto uun inay iska kala yaacdo iyadoon wax dhib ah qaabin ayuu, Qaryaan Dhoodaan, dhawrkan meeris ku daray gabaygiisa: Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysaArdaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiidayHaddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka  War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaacaNinka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

Gunnaanadkii waxaan hadalka ku soo ururin lahaa, waajibka inna saaran waa inaan wanaagga u midawno, taasna innooma suuroobayso haddaynaan xummaanta iska qabanin, illayn iyadaa dadka kala gaynaysee. Bal u fiirso jumladan Islaamnimada lagu soo galo (لا إله إلا الله) sida ay u dhisantahay. Kama bilaabato wanaagga qaadashadiisa oo ah Illaahay kaliyaa jira ee waxay ka bilaabataa xummaanta diidisteeda oo ah inaan Illaah kale jirin.

Haddaan si kale u dhigo, si wanaaggu boos u helo waa in xummaanta ku gudban laga hor leexiyaa oon ula jeedo Tigreege hadba inoogu xun inooga dhiga hogaan, maamulkan heeryadii-cunaha ah ee Jigjiga iyo kuwa mucaaradka ku ah ee laakiin Tigreega ka sugaya inay isaga nacaan ooy iyagu shaqadiisa oo kale u qabtaan. Markaan sidaa leeyahay ma ilawsani in qof xummaan sammayn jiray is-baddali karo ee adiguna, akhristaw, ha iloobin in Illaahay dadkiisa inaga yaqaan inoogana naxariis badanyahay oo sidaas ooy tahay uu tawbadda shuruudo uga dhigay: in qofku horta joojiyo xumaanta go’aansadana inuusan ku noqonayn, ka shallaytoodo, oo cafisna ku baryootamo. Aaban qormada halkaa ku joojiyee, intaa midna ma ka haynaa maamulka xummaantaan ogayn gaystay ee hadda inna leh midnimadiina iyo wanaaggiinaan ka shaqayn?

Xamdi CabdiNaasir
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.