Wajigii hore ee dekadda Garacad oo xarigga laga jaray

Wajigii hore ee dekadda Garacad oo xarigga laga jaray

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa maanta gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug dhanka dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si wadajir ah  xarigga uga  jaray wajiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad ee gobolka Mudug. Halkaasi  oo munaasabad ballaaran oo dekedaasi cusub xarigga looga jarayey lagu qabtay.

Munaasabada waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxweyanah Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Mustafe Muxumed Cumar, iyada oo qorshaha dekadda uu ka mid yahay isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, oo lagu wado in dekeddu qeyb libaax ka qaadan doonto. Sidoo kale waxa ka soo qeyb galay munaasabada wafuud badan oo iskugu jirta ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wajigii hore ee dekadda Garacad oo xarigga laga jaray, Garacad, Puntland- Soomaaliya

Hadal kooban oo uu munaasabada ka jeediyey Madaxweyne Xasan ayuu ku boggaadiyey horumarka deegaanka iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka Puntland, waxa uuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed horumarkooda uu ku jiro in ay isku tashadaan oo ay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada.

Dekadda deegaanka Garacad ayaa ah miraha iskaashi dhexmarey ganacsatadda Soomaaliyeed,  iyada oo maanta lagu guuleystey in xarigga laga jaro wejiga koowaad ee dekedda, oo si casri ah loo dhisey, waxaana ay astaan u tahay horumarada dalka ka hana qaadey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho