Wajiga 1-aad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lasoo gabagabeeyey

Muqdisho (WDN)- Wajigii 1-aad ee shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeeeb Soomaaliya, oo xal loogu raadinaayey xiisadda ka dhex aloosantay maamulkaasi iyo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa lagu soo gabgaeeyay magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.  Xiisada Koonfur Galbeed, ayaa ka dhalatey isku dhacyo sababey dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed oo dhex maray maamulka uu hoggaamiyo  Cabdicasiis Lafta Gareen iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Shirweynahaan oo uu daah furey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud 17-kii bishaan Janaayo, ayaa diiradda lagu saarey xal u helidda khilaafka siyaasaddeed ee Koonfur Galbeed kasoo ifbaxey si loo ilaaliyo midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya, isla markaana meel kaliya looga soo wada jeesto maleeshiyaadka xagjirka ee Alshabaab.

Guddoomiyaha golaha shcabka ayaa gunaanadka wajiga 1-aad ee shirka waxa uu warbixin ka dhagaystay guddiga farsamada shirka iyo guddiga ay iska soo xuleen odayaasha dhaqanka, oo ku aaddaneyd qiimeynta dhacdooyinkii ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee madaxda Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Md. Aadan Madoobe ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku dhaawacmey, laguna dayactiro hantidii ku burburtay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, ismarkaana wixii warbxintooda dib ay ugu soo celiyaan guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay inuu furanyahay wajiga 2-aad ee shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo haatan wixii ka danbeeya diiradda lagu saaro doono xal u helidda khilaafka ka dhashay baaqashada doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi oo mucaaradku ku doodayaan in muddo xileedka madaxweyne LaftaGareen ku ekeyd bishii December sanaddii dhamaatey ee 2022.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho