Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Istanbul

Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Istanbul

jaw2Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa gaaray magaaladIstanbul ee dalka Turkiga, ayadoo wafdiga Guddoomiyahana ay caawa kuwajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha baarlamaanka iyo
wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada
Istanbul ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka
mid yahay Duqa magaalada Istanbul, ayadoo guddoomiyaha iyo duqa
magaaladana ay wadahadal kooban ku yeeshan qeybta nasashada (VIP) ee
garoonka diyaaradaha.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha
gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan
xafiiska gudoomiyaha, waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan
magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga.

Maalinnimada berri ah, waxaa guddoomiyaha baarlamaanka uu wadahadallo
gaar gaar ah Ankara kula qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dalka
aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida guddoomiyaha baarlamaanka
Turkiga,ra’isulwasaare Recep Tayip Erdogan, madaxweynaha Turkiga
Cabdalla Guul iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha hay’adda
horumarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA.

jaw1Socdaalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen
dalka Turkiga, ayaa qeyb ka ah adkeynta iyo wanaajinta xiriirka ka
dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo muddooyinkan aad usii xoogeysanayey
ayadoo guddoomiyaha baarlamaankana uu casuumaad rasmi ah ka helay
madaxda Dalkan.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.