Muqdishu, ( WDN) – Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, halkasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo isgu soo baxay soo dhaweeynta wafdiga.
Socdaalka Cabdi Faarax Shirdoon waxaa ku weheliya qaar ka mid ah xukuumadiisa, kuwaasi oo uu ka mid yaahay wasiirka arihan gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale .
Waxaa sidoo kale magaalada horay ugu sugnaa xubno ka tirsan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo halkasi u tagay si ay u kor meeyaan dadka deeganada shabeelaha hoose sida ay tahay xaaladooda nololeed.
Md. Saacid ayaa waxaa la filayaa in uu lahadlo dadka reer Jowhar oo si weeyn ugu soo dhaweeyay magaalada wafdigiisa.
Haddaba maxay tahay hadal heynta dadka Jowhar iyo siyaasiyiinta gobolka Shabeelaha dhexe intooda badan ay hadal hayaan waxa uu noqon karaayo socdaalada Md. Saacid, taasi oo ku aadan iyada oo dhawaanahaa uu ku dhexjiray raysal wasaaruhu maamul usameynta gobalada dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalintii shalay aheyd waxa uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho xili uu ku soo hungoobay wada hadala oo ku doonaayay in uu maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ugu sameeyo in kastoo ay taasi diideen maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada hada ka arimiya.
Maxmed Noor
Wardheerenews.com
Muqdisho, Soomaaliya
Leave a Reply