Wadahadalladii Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka oo Burbur ku Dhamaaday

Wadahadalladii Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka oo Burbur ku Dhamaaday

Muqdisho (WDN)- War hordhac oo naga soo gaadhay Wadatashigii u dhaxeeyey Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka Madasha Samato Bixinta oo ka dhacay Villa Somalia, ayaa la sheegay in la isku af garan waayay, kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay in Doorashada Qof iyo Cod aanu ka laaban doonin. Mucaaradka ayaa la sheegayaa in ay arintaa ka biyo diideen, iskasta oo la sheegay in ay ku jiraan xubno u dabacsan baaqa Madaxweyne Xasan, oo u arka fursad ay xil kaga heli karaan Xukuumada Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan, ayaa maalintii Salaasada ee 11 bishan Ogost  ka soo dhex muuday saxaafadda isaga oo iska diiwaan-geliyay Degmada Warta-Nabadda ee qorshaha nidaamka Qof iyo Cod. Madxweyne Xasan ayaa goobtaas ka sheegay “ In ay shacabka Soomaaliyeed ka faa’ideystaan fursaddan wayn oo ay ku dooran karaan dadka siyaasadda ku matali doona.” Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan in uu ka caga jiidayo heshiis iyo wada-xaajood dhaba oo la gaaro, isaga oo barnaanikiisa “ Cidna loo joojin maayo” wata.

Dhinac kale Maxdaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ku adkeystay in wax-ka badalkii Dastuurka, isaga oo sheegay in Baarlamaanka oo matalaya dhamaan Shacabka iyo Maamul goboleedyada uu ansixiyay,  sidaasdna uu ku saxiixay oo ku dhaqan galay.

Macaaradka ayaa shir yeeshay, kaasi oo ay ka soo saari doonaan war saxafadeed ay ku muujinayaan mowqifkooda, oo u eeg mad aad uga fog qorshaha Villa Somalia.

WardheerNews