Wadahadalladii Muqdisho oo lagu heshiiyay in la furo lana balaadhiyo

Muqdisho (WDN)- Warar xogxoggaal ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in shir maanta dhex maray Madaxweynayaasha Dowladda Federaalka Md. Farmaajo, Puntland Md. Siciid Deni iyo Jubbland Md. Axmed Madoobe ay isku af garteen in la furo shirka lagaga arinsanayo  arimaha doorashooyinka 20/21.  Wadahadalladasi oo horey dib u dhac ugu yimid, kadib markii  ay Jubbaland  ku adkeysatay in marka hore Dowladda Federaalku joojiso faragelinta ay ku heyso gobolka Gedo, mowqifkaasi oo ay ka midaysan yihiin Puntland, horeyna heshiis aan la dhaqan gelin looga gaadhay shirkii Dhuusamareeb 2.

Farmaajo, Axmed MAdoobe iyo Farmaajo

Shir hordhac ahaa oo xalay dhex maray Farmaajo iyo Axmed Madoobe, ayaa la sheegay in Farmaajo  uu aqbalay in ciidamada ka joooga Gedo laga soo saaro, islamarkaana laga shaqeeyo sidii xiisada loo qaboojin lahaa, xasiloonina lagu soo dabaaalo gobolka Gedo, uu maamulka Jubbaland horseed ka yahay.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in shirka ay ku soo biraan  Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu marti qaado Muqdisho dhamaan Dowlad Gobolleedyada, si talo wada jir ah looga gaadho arimah doorashooyinka 20/21.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.