Muqdisho (WDN)- Warar xogxogaal ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland uu galay marxalad xasaasi iyo is-afgaranawaa ah. Taasi oo ay sababtay Jubbaland oo ku adkeysatay in inta aan la bilaalbin wadahadal rasmi ah, uu maamulka Farmaajo kala baxo ciidamada gobolka Gedo, islamarkaana uu joojiyo faragelinta uu ku hayo Jubbaland, mowqifkaas oo ay la qabto Puntland.

Shirkii rasmiga ahaa oo la filayay in uu u furmo Madaxweyne Farmaajo, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday, kadib markii uu Famraajo ka jawaabi waayay dhaqan gelintii heshiiskii Dhuusamareeb 2, ee ku aadaneyd gobolka Gedo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu fariin ugu soo dhiibay Madaxweynaha Jubballand taliyaha Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo la kulmay Axmed Madoobe, iyada oo la sheegay in Jubbaland ku adkeysatay in aan wadahadal la furi karin ilaa la xaliyo arimaha gobolka Gedo, oo mowqif midaysan ay ka taagan yihiin Puntland.
Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Gedo Md.Maxamed Muxumed ( Maxamed Dheere), oo ka mid ahaa wafdiga Jubbaland, islamarkaana ka qeybgalay shirkii beesha caalamku la yeelatay Jubbaland iyo Puntland, uu ka warbixiyay faragelinta iyo dhibtaayinka ka dhashay ciidamadii uu u soo diray Farmaajo gobolka Gedo, kuwaasi oo ay ku jiraan barakac xooggan iyo amni daro la soo daristay shacbiga gobolka Gedo. Sidaas daraadeed Jubbaland aysan wax wadahadal ah la yeelan doonin Farmaajo inta ciidamada DFS ay ku jiraaan gobolka Gedo. Arintan ayaa u muuqata fashil soo foodsaaray qorshaha Farmaajo ee ah in uu isku tuso in uu heshiis diyaar u yahay.
Beesha caalamka ayaa lagu soo waramayaa in ay culeys saarayaan DF, si ka saarto ciidamada gobolka Gedo, islamarkaana joojiso faragelinta ay ku heyso Gedo.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdiga Puntland iyo Jubbaland ay ka go’an tahay in ay dib uga soo laabtaan Muqdisho, haddii wax horumar ah laga gaadhi waayo shuruudaha ay ku xidheen wadahadal in la furo.
WardheerNews