Muqdisho (WDN)- Shirkii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mustaqbalka,oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa la sheegay in maanta uu ku dhammaaday is-afgaranwaa siyaasaddeed.
Kulanka, oo ay soo qabanqaabiyeen safiirrada Ingiriiska iyo Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, ayaa dhinaca dowladda waxaa uga qeyb galay Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Madasha Mustaqbalka waxaa uga qeyb galeen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maanta uu kaga egyahay muddo-xileedkeedu, ayaa ku adkaysatay in ay weli sharci ahaan haysato hal sano oo dheeraad ah, iyada oo cuskanaysa wax-ka-beddelladii dastuurka lagu sameeyay. Dowladda ayaa sidoo kale ku adkaysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa sheegay in maanta oo ku beegan 15-ka May 2026 wixii ka dambeeya uu Madaxweyne Xasan Sheekh noqonayo madaxweyne hore, isla markaana aysan suuragal ahayn in dalka laga qabto doorasho hal dhinac ah oo aan lagu heshiin.
Mucaaradka ayaa caawa yeelanaya kulan degdeg ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmaysa iyo jihada tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono.
Xiisaddan siyaasaddeed ee sii xoogeysanaysa ayaa laga cabsi qabaa in ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasaddeed, burbur dowladeed, iyo dagaallo hor leh oo ka Soomaaliya.
WardheerNews
