Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Wacdi jeedinta Wadaaddada!

W/Q Maxamed Nuur Shire

Marka afar loo qeybiyo habka loo wada xiriiro: 1)hadal, 2) dhegeysi, 3) akhrin iyo 4) qoraal, Soomaalidu waxa ay ku wacantahay labada hore, waxa ayna ku kasbadaan aqoon guud. Wacdiga diiniga ah waxa uu ka midyahay waxyaabaha Soomaalidu diinta ay isugu soo gudbiso.

Laba hebel isma weydiineyso in wacdiga wadaaddada uu wax badan u soo kordhiyey Soomaalida, waxaana la tussaaleyn karaa, sida haweenka Soomaaliyeed labbiskooda uu wacdigu is bedelka ugu sameeyey, iyada oo gabadha Soomaaliyeed maanta lagu garan ogyahay xijaabka . Waxaa kale oo uu wacdigu soo kordhiyey sida ay dadku Cibaadada u gudanayaan waxna u sadaqeysanayaan.

Waxa dadka lagu wacdiyo waxaa ugu horreeya Quraanka iyo Xadiithka, labadaasna waa lama-taabtaan Muslimiinta quman agtooda, balse habka Quraanka iyo Xadiithka wax loogu wacdiyo aragti ayaa ka furan, iyada oo aan lagu xadgudbeyn wacdiyayaasha.

Isku-dheelitir la’aanta Wacdi-jeedinta

Waxkasta oo Aadane qabanayo waxa ay u baahanyihiin oo aan looga maarmin isku-dheelitir, haddii uu dheelli ku yimaadana waa ay dhadhan iyo muunad beelaan; waxaa is weydiin mudan oo aad iga dhowreysaa,” halkee wacdiga diiniga ah dheeligu kaga jiraa”? Si aynu weydiintaas warcelin ugu hello qormada akhrinteeda u yara dulqaado.

Wacdiga Wadaaddada iyo Aragtida Dunida:

Wadaaddada wax wacdiya waxa ay dadka ku wacdiyaan inta badan in dunidu ay tahay waddo dhinaca kale loo goynayo, oo in laga jeesto ay mudantahay, qaarkoodna waxa ayba ku daraan in nolosha dunida loogu talagalay gaalada, Muslimkuna uu aakhiro leeyahay, adduunkana uu faraha uga qaado gaalada.

Taas waxaa ka dhashay in Muslimiintu ay dunida ka haraan, iyaga oo ku nool oo jecelna ay wax badan marti kaga yihiin dadka aan Muslimka ahayn, taas oo wadaaddadu wax ka saaraan in Muslimiintu Alle ka fogaadeen sidaasna ay ugu dib dhaceen.

Wacdiga wadaaddada qaarkood ayaa yiraahda” dunida marti baa lagu yahay, Muslimkuna aakhiro ayuu nasiibkiisa ku leeyahay” (waa wadaaddada qaarkood), iyaga oo dunida faraha uga qaaday gaalada, hadana dunidii ku nool oo iney ka xamaashaan raba. Maxaa diiday in aakhirana loo shaqeysto, dunidana maadaama lagu noolyahay aan marti looga ahaanin dadyowga aan Muslimka ahayn? Taas waxa ay sababtay in horumarka dunida ay Muslimiintu ka haraan, daawadayaalna ka ahaadaan.

Dunida Maanta Iyo Dadkii Hore

Dunida aan maanta ku noollahay waxaa hubaal ah iney horey u socoto oo marba ay wax cusub ku soo biirayaan, iyada oo dadka haatan dunida ku wada nool qaarkood aysan wax badan la jaanqaadi karin, iskabadaa dadkii hore. Mid dood kama taagna oo waa geed kago’an, oo waa in ummadda Nebi Muxamed Nabad iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee, ay ugu wanaagsanaayeen saaxiibadii, kuwii iyaga ku xigayna ay kusii xigeen, waayo, waxa ay noolaayeen ama u dhawaayeen waqtigii Quraanku soo degayey iyo sidii uu Suubbanuhu (NNKH) u dhaqangelinayey.

Kolka aynu qodobkaas meel isla dhigno, waqtigan hadda aan noollahay oo tignaloojiyadu ay marba sii hormareyso, sina suurtagal uma aha dadkii hore ee wanaaggooda xagga diinta aynu isla soo qirnay iney la qabsan lahaayeen casrigan, waayo wax badan oo aysan maskaxdooda sawirateen ayaa hadda jira.

Haddii Nebi Muxamed (NNKH) uu saxaabadii la nooleyd uu ku yiri” idinka ayaa adduunyadiina iga badiya”, isaga oo ah ergeygii Eebbe u soo diray Aadanaha, wax aad la amakaagto ma noqoneyso inaad iga maqashid ama aad qormadan  ka akhrisid in dadkii hore aan innagu ka badino dunida maanta la joogo.  Markaas sidee baad iila yaabtaa adiguba waxaad rumeysantahay awowgaa iyo ayeydaa inaad dunida kaga ogaal roontahay, iyada oo laga yaabo in hadda aad wada nooshihiine.

Marna ujeeddadeydu yeysan barbar kaa marin,  aqoonta dunidan casriga ah ayaan u jeedaa, waana middaas tan aan kaga wacannahay dadkii hore, meel kale yeynan u qaadan. Kol haddii aan intaas isla fahanno, dheelitir la’aanta wacdiga wadaaddada waxay ku jirtaa in  wadaaddadu qaarkood ay dadka ku wacdiyaan in dadkii hore wax kasta lagaga daydo. Waa war weyn oo u baahan in la lafaguro. Diinta iyo sida ay u cibaadeysanjireen waa sax iyaga ayaa macalimiin ugu fiican, balse dunidan aan ku noollahay iyagu majoogaan, kumana khasbanin sidii ay xilligoodii ugu noolaayeen inaan maanta ugu noolaanno, waayo innagu maba fahmi karno noloshaas, iyaguna middan ma fahmi karaan.

Sidaas awgeed wacdi badan oo wadaaddadu jeediyaan ayaa dheeh geliyey in horumarka dunida laga haro, si loogu daydo dadkii hore ee wanaagsanaa. Aan mar kale kuugu celiyee, iney xagga diinta nooga wacnaayeen kama doodsani oo wax badan oo mashquulin lahaa ay ka nabadgaleen, balse waxaan u jeedaa, inaan dunida maanta kaga fahan badannahay, kana badino.

Ka Mid Ahaanshaha Dadka Caadiga Ah iyo Wacdiga Aynnu Maqallo

Dadka caadiga ah waxa aan ka wadaa dadka aan wadaaddada ahayn, ama aan wadaaddada u ekeyn, waana sida ay iyagu u yaqaannaane. Wadaaddadu waa bulsho gaar ah oo labbiskooda, habka ay u sheekeystaan, waxa ay ka sheekeystaan iyo dadka ay saaxiibbada la yihiin ay ku agwareegto isla iyaga oo bulshada kale ee ay caadiga u yaqaannnaan ka soocan. Haddii qof bulshada wadaaddada ka mid ahaa uu xoogaa saaxiib iyo sheeko wadaag la noqdo dadka ay wadaaddadu caadiga u yaqaannaan, waxa ay ku wacdiyaan in aysan habbooneyn in dadka kale lagu milmo.

Wacdiga wadaaddada ayaa sameeyey bulsho gaar ah oo wadaaddo la yiraahdo iyo bulsho kale oo dadka caadiga ah la yiraahdo, haddii aan si kale u dhigana, wadaaddadu waa dad gaar ah, dadka kalena waa dad guud. Taasi waxa ay keentay bulshada wadaaddadu iney isu arkaan, iyagana loo arko in dadka kale ee caadiga ay u yaqaannaan ay ka wacanyihiin, balse waxa ay amuuri dhacdaa marka qof ka mid ah bulshada wadaaddadu uu gef ku dhaco, taas oo bulshada kale ee caadiga ah ay ka dhigaan  gef ka weyn kii dadka caadiga ah ay ku dhici jireen. Taas oo wadaaddada sumcad darro badan u soo jiidda. Haddii wadaaddadu isku arki lahaayeen dad bulshadooda ka mid ah, iyagana loo arki lahaa gefka iyaga ka dhaca waxaa loo arki lahaa gef caadi ah oo qof ama koox dadka ka mid ah ku dhaceen.

Wacdiga  Wadaaddada iyo Waxbixinta Bulshada Caadiga Ah

Wadaaddadu waa dad bulshadu aaminsantahay oo ammaanada ku wanaagsan, waana iyaga cidda kaliya ee bulshada saameynta balaaran ku leh. Dadka waa ka dhaadhiciyeen, waana ku mahadsanyihiin in ay bulshadu Alle dartii wax ula baxdo, xarumaha diinta, Masaajidda iyo mashaariicda diiniga ahna dadku wax badan bey ku bixiyaan, Alle haka abaalmariyee.

Dadkii waxaa ka dhaadhacday in mashruuc kale oo wadaaddo aysan ka dhexmuuqan oo Masaajid iyo Malcaamad aan ahayn aysan wax ku bixin, taas oo keentay in magaalo yar oo dadkeeda tukada uu qaado hal Masaajid ay dhisaan afar Masaajid oo dadka ku tukada ay yaryihiin, magaaladaasna aysan lahayn hal isbitaal, hal maktabad iyo geedo ay harsadaan. Waxaa hubaal ah haddii dadka la bari lahaa in waxaas oo dhan abaalmarin Eebbe laga helayo in dano badan oo guud ay inoo qabsoomi lahaayeen, bulshaduna ay dhinac kasta ka dhismi lahayd, wax badanna la iska kaashan lajaa. (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan).

Wacdiga Wadaaddada iyo Waxyaabaha La Diiddanyahay

Waxaa Muslimiinta quman aysan isku diiddaneyn in wixii diintu reebtay (Quraanka Xadiiska saxiixa ah iyo wixii Muslimku isku raacay) in laga haro oo aan la sameyn ay khasab tahay, ciddii sameysana in naf iyo sheydaan u geeyaan mooyiyee aysan si kale u banneysaneyn, balse waxaa badan waxa aysan diintu reebin ee bannaan.

Sideedaba, Cibaadada in caddeyn diini ah loo hayo ma ahee la iskama sameyn karo, halka dhinaca kale wixii aan Cibaado ahayn ay asal ahaan u bannaanyihiin in caddeyn diini ah diidmo looga helo ma ahee. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa wadaaddada wacdigooda waxaa ku badan waxa ay dadka ka reebayaan, iyada oo laga yaabo waxa ay dadka u diidayaan ay yihiin wax wadaadda hore ay diiddanaayeen, halka wadaaddo kale oo hore laga yaabo isla waxaas iney oggolaayeen, wax daliil ah oo cadna uusan ku soo aroorin diidmadiisa.

Wadaaddo hore ayaa oran jirey “marka aad awliyo la joogto qalbigaaga ayaa la ilaashadaa, marka aad faqiih la joogtana camalkaaga ayaa la ilaashadaa, marka aad naxwooley la joogtana carrabkaaga ayaa la ilaashadaa.”  Markaas ayaa xaalku isu rogay in wadaaddada aad la isaga ilaaliyo, bulshaduna ciriiri dareento marka ay wadaad la joogto ama wadaad ka agdhow yahay, baqdinna ay ka qaadaan.

Meelaha qaarkood waxaa ka muuqan karta ama laga dareemayaa in wadaaddadu ay simayaan, wixii xaaraannimadooda ay iska caddeyd oo diintu si toos ah u caddeysay iyo waxyaabo ay culimo hore ku jawaabeen iney xaaraam yihiin, marka ay sidaas diin ahaan ugu qanceen oo ay diinta ka fahmeen. Marka haddii ay iska horyimaadaan fahanka diinta ee culimo hore ama kuwo dambe sida la yeelayo ayaa Muslimiin badan ay ku kala aragti duwanyihiin. Xitaa dambiyada diintu sida tooska ah u caddeysay ayaa kala culus oo kala dambi weyn sameyntooda.

Kolka qodobkan la soo ururiyo waxa xalku noqonayaa, in dambiyada diintu caddeysay sida ay u kala weynyihiin digniintana loogu kala xoojiyo, kuwa (dambiyada) culimo hore ama kuwo dambe ay aragtidooda (ijtihaadkooda) ku diideenna booskooda la dhigo, oo haddii culimo kale oo hadalkooda la cuskan karo ay aragti taas ka duwan qabaanna ciddii ku qanacda aan lagu dhaleeceyn.

Ugu dambeynti in diinta ay u muuqato wax haddii lagu dhaqmo ay dadku ciriiri galayaan looma baahneyn, waana wax sababi kara, keenayana in dad badan oo dhalinyaro u badan ay diinta u karhadaan wacdiga wadaaddada qaarkood.

Maxamed Nuur Shire
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.