Waa laga Hadlaaye ma laga Bixi Karaa?

Waa laga Hadlaaye ma laga Bixi	  Karaa?

Talo Waa Garasho iyo Go’aan

W. Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)

Inta aan xusuusto, tan iyo toddobaatannadii qarnigii labaatanaad baa laga hadlayey dhaqanka gudniinka fircooni ah iyo dhibaatadiisa aan ka hadhin gabadha soomaaliyeed, inta ay noshahay ba. Intii ka dambaysay na qaylodhaanteedu taagan bay ahayd.  Shirar iyo kulamo heer dal iyo heer adduunweyneba ah ayaa la qabtay oo lagaga hadalay. Af iyo qoraal midna loo ma yaraysanin.  Talow se laga hadalye, maxaa midho ah? Ma hayo jawaab ku fadhida daraaso cilmi ah; maqal se waxa aan ku hayaa in dad aad u badani ubadkooda ka daayeen dhibaatadaas, qaarna uga guureen wax la yidhaahdo sunne. Waxay i la tahay, warkaas wax baa ka jira; ma se dhaafsana qoysaska magaalo joogagga dhaqaale na ka ladan waxbarasho na dhadhamiyey.

Tiroda bulshada Soomaalida meel kasta u badani, ka sokow reer miyiga, waa saboolka magaalada iyo dhawaan-soogalka miyiga ka yimid ee daafaha magaalooyinka quban. Waa dad aad u faro badan oo faqri iyo aqoon-darro mugdi ah ku nool.  Kuwoyoygan maxaa war laga hayaa mowqifkooda? Jawaab sugan ma hayo, Si kasta oo ay noqoto, kama shaki qabo in dhibaatadan laga bixi karo.  Sidaas darteed, Su’aasha qoraalkaygani waa sida wax looga qaban karo gudniinka fircooniga ah.

Uma aan arko in shirarka iyo kulamada mushkiladda lagaga doodaa sidooda xal u yihiin, in kasta oo aanay faa’iido ka madhnayn; waayo arrinku intaas ka culus ka na qoto fog.  Sida ay i la tahay, jidka loo raaci karo waxkaqabashadeeda waxaa u horreeya garashadeeda. Waxay kuwo badani odhan karaan ‘ma cid aan ka war haynin gudniinka fircooniga ah baa jirta oo aad la hadlaysaa’?!  Waxa aan ka hadlayaa ma aha ogaanshaha ee waa garashada lagu gaadhi karo cilmibaadhis dhab ah. Waxaa ayadu na meesha ku jirta, garashada shareecada islaamku waxa ay ka qabto gudniinka fircooniga ah. Waxaa raaca oo aad u muhiim ah garashada xoogagga bulshada ee uu dhaqankani cuskan yahay iyo inta xalka loo la irkan karo.

Maqaalka oo dhan halkan ka akhri: Dhibaatada Gudniinka

W.Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi ( Gadhweyne)
EmailEmail: rshid.dalla@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.