Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Everyday People
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waa kuma ‘Hadraawi’?

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Hadrawi
Abwaan Hadraawi

Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun. Aniguna malyuunkaas ayaan ka mid ahay.

SIDAAN U AQAAN:

Waa qof, waa abuur insi ah, waa nolol giraan ah, oo xilkeeda, xiskeeda, xanuunkeeda iyo xariirteedu waqti xaddidan leeyihiin., oo meel ka bilaabmay, meelna ku dhammaanay.  Tan iyo maanta, noloshaa giraanta ah wixii soo maray, inta yar ee aan ka warqabo, ayaan ka bartay Hadraawi kuu yahay, wartebintayduna ka shidaal qaadanaysaa.   Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) degaanka Ballicalanle ee ku yaal degmada Qorilugud, gobolka Caynaba ayuu ku dhashay bilawgii afartanaadkii qarnigii la soo dhaafay.  Qoys xoolo-dhaqata ah ayuu ka soo jeedaa.  Miyi isu kala jira inta dunida cidhifyadeedu isu kala jiraan, cir xiddigihiisu meel dhow ka dhalaalayaan, carra san ciid cas leh oo xoolo-daaqeenka ku wanaagsan, geela iyo adhigaba, ayuu Hadraawi ku indha-furay carruurnimadiisii.

Hadraawi maskaxdiisa ugub waxaa dugsi wabarasho u ahaa dhulkaa cimiladiisa, cirkaa haybaddiisa, xoolo ilaalintooda, dadka degaankaas ku nool aqoontooda, xeerkooda iyo waaya-araggooda.  Maskaxdii ugubka ahayd ee aqoonta u oommanayd, laylintaas ka dib, si buuxa ayay dugsigaa uga soo aflaxday. Toban jirkiisiiba, wax yar baa ku seeganaa degaankaas aqoonta loo yeelan karo iyo hab-nololeedka dadkiisu kaga dhaqmayay.  Qaabka ugu miisaanka culus ee noloshaa iyo axwaasheeda la isugu gudbin jiray,  odhaah ayay ahayd. Middaasna Hadraawi si fiican ayuu uga haqab beelay.  Salka, saaska iyo hodonnimada afkiisa iyo suugaantiisa lagu ashqaraarayo, halkaas ayay ka soo jeeddaa.  Degaankaas inta uu isha ku dhiftay – baadka, biyaha, xoolaha, xawayaanka, cirka, dhulka, dadka iyo hiddaha ka jira mid aanu magaciisa baran iyo habka loo adeegsado waxba kama maqnayn.  Kaasi waa Hadraawiga Af-yaqaanka ah ee magacu ugu baxay.  Taasina waa giraantii noloshiisa u horraysay, sida aan anigu u aqaan.

CADAN iyo Raadkeeda, Kontomaadkii iyo Lixdamaadkii Qarnigii Hore:

Aden HarborRaadka ugu culus, tan iyo maantadan la joogo, ee laga garan karo  saamaynta Hadraawi shakhsiyaddiisa qof’ahaaneed iyo tan suugaaneedba magaalada CADAN ayaa loogu aroorayaa.  Hadraawigii afka iyo dhaqanka baadiyaha soo fuuqsaday, ee toban-jirka aan wax rooni u raacayn, ayaa ka soo degey marsada Cadmeed.

Marsada New York iyo tan Hong Kong ayaa lagu soo dari jiray, marka marsooyinka adduunka ugu caansan la sheegayo.  Duni tuu arki jiray si walba uga geddisan, ayuu la kulmay.  Tirada ugu badan ee la isugu yimaaddo aroos, ama iid, ama Alla-bari miyiga tobannaan ma dhaafi jirin.  Ishiisuna wax ka badan ma arki jirin.  Cadan markuu soo galay, tobannaan kun oo is-dhex yaacaya, oo quruumo, afaf, diimo, iyo dadyow kala duwan ka socda ayuu la kulmay.  Daaro, waddooyin, iyo duni wada iftiimaya aan laga baqayn bahal iyo belo kale oo reerka u soo dhaca ayuu soo degey. Quraankii, diintii iyo Af-carbeedkii ayuu ku bartay.  Saaxiibbo kala duwan oo Soomaali iyo Carab u badan ayuu kasbaday.  Dugsiga ‘Baaderiga Tawaahi’  ayuu Af-Ingiriisiga kaga soo baxay.  Carabida uu dugsiyada Cadmeed ka bartay, waxaa tilmaan mudan gabayga Af-carbeedka, oo maansada Soomaaliyeed ay dhinacyo badan wax ka wadaagaan.  Gaar ahaan kuwa ay tiriyeen gabyaa caan ahi sida Umru’l Qays..  Cantara..  Al-Mutanabbi..  Xaafid Ibraahiim..  iyo kuwo Yamaneed laftoodu sida  M. Garaada..  Ludfi Jacfar Amaan.. Idris Xanbala.   Suugaan-yahannimada Hadraawi iyo curintiisaba gabyaagaasi si lixaad leh ayay u badhi-taareen.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Waa kuma ‘Hadraawi’?

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
————————
Siciid waa qoraa ka faalooda arimaha Suugaanta, iyo sooyaalka dhacdooyinka nolosha oo si joogto ugu soo bandhiga degelka WardheerNews. Siciid waa qoraaga buugga ‘Safar aan Jaho Lahayn’, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed. Siciid wuxuu deggen yahay magaalada London, UK.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.